Sheeko Caruureedkii Cabdi Qarbid

Khudbad lama odhan karee sheekooyinkii Shalay Ina Ileey afkiisa kasoo baxaayay .

Qaybtan wuxuu kaga Hadlayaa Gobolka Sitti

Wuxuu yidhi,

1-Gobolka Sitti dawladdan horteed iyo imikaba waa meel ammaan ah,

2-reer Sitti waa dadka wali Soomaalinimadda dhabta ah haysto oo magacdooda iyo habdhaqankoogay ka muuqataa ayuu yidhi,

3-waa xoolo dhaqato oo beeraan usameeyay,


4-Ceelal aan gudhin baan uqoday meel walba

Cabdi Ileey isagaa caddeeyay intaaba ee waxaan waydiinaynaa dhawr suaalood.

1-Haddii aad qirsantahay inuu dhulku ammaan  yahay, Maxaad ugusoo daabushay budhcadda liyuuga hubaysan ee maatida layni sidii wax ay jabhado yihiin dadka Gobolku?

2-Haddii aad qirsantahay Inay dad Soomaalinimadu ku wayntahay yihiin, Maxaad Estv iyo afkaagaba uga tidhaahdaa waa Oromo Amma qabyaalad bay wadaan adiga iyo intaad afbartayna udhahdaan wax Soomaalinimo ka hooseeyo ma yeelayno waana soomaali tidhiye?

3-Basal haddaad abuurtay maad ilawday inuu Gobolku lahaan jiray beerihii Erer oo cambo iyo liin iyo khudaartu daadan jirtay , intaa aad beero kadhigina aysan udhigmin Beertii dixda bikiyar „caligaab“ ee khudaarta badnayd okaliya ?

4-Haddii ceelal iyo biyo laga dhergay . Maxaa jigjiga oo xaruntii ah dameero loogu dhaamiya ,biyaha aad miyiga kadhergiseed sheegi , magaalooyin badan ay Biki kamidtahay maxaa harraad awgii loogaga guurayaa . ?

Ugu dambayn sida aad sheegtay haddaad talooyinka Facebook ga qaadatid, maxaad kaqabatay dhibaatooyinka lasoo qoro ? maxaadse horay ba ugu dhagaysan wayday talooyinka shacabka ood usii dhibaataysaa ?

Wariye:Laba.Doon