Wararkii ugu dambeeyay ee Yemen.

Ergeyga gaarka ah Qaramada Midoobay ee uu qaabilsan dalka Yemen Martin Griffiths ayaa wada hadallo degdeg ah kula leh Magaalada Sanca dhinacyada isku haya Yemen ee Isbaheysiga Sacuudiga iyo Xuutiyiinta.

Martin Griffiths ayaa gaadhay halkaasi si uu labada dhinac ugu qanciyo in la qaboojiyo dagaalka ka soconaya Magaalada  Istaraatijiga ee Al Xudeyda.

Waxaa soo baxaya Warar is qilaafsan oo la xidhiidha in Ciidamo taabacsan Isbaheysiga ay la wareegeen Garoonka Magaalada Al Xudeyda inkastoo ay Warbaahinta taabacsan Xuutiyiinta ay beeniyeen.

Hay’adaha Caalamiga ayaa ka walaacsan in dagaalka uu keeno in ay sii xumaato xaaladda bini’aadanimo ee Dadka rayidka ah, haddii aan la qaboojinta xiisadda dagaal.

Sacuudiga  iyo Isbaheysigiisa ayaa u arka, Dekada Xudeyda oo gacanta lagu dhigo in taasi dharbaaxo iyo dhabar jab weyn ay ku tahay Xuutiyiinta oo ay ku eedeeyeen in halkaasi uu uga soo dego Hubka ka yimaada Iran.

QM ayaa cambaareysay dagaalka, waxaana ay ugu baaqday Xulufadda Sacuudiga in ay joojiyaan.