Madaxweynaha Eritrea oo Ergey usoo diraya Itoobiya ka dib Baaqii R/wasaare Abiy Axmed.

Madaxweynaha Eritrea, Isaias Afwerki  ayaa la sheegay inuu Ergey u dirayo Addis Abeba, si ay wada-xaajood wax dhisaya ula yeeshaan Madaxda dalkaasi.

Danjiraha Dowladda Eritrea u jooga dalka Japan, Ambassador Estifanos Afeworki  ayaa hadalkaasi ku sheegay Qoraal uu maanta soo dhigay bartiisa Twitterka.

Danjiraha ma bixinin faahfaahin dheeraad ah oo ku adaan Ergeyga Eritrea ee la filayo inay booqasho ku tagaan Caasimadda dalka Ethiopia ee Addis Abeba.

Tallaabadaasi ayaa u muuqata mid ay Dowladda Eritrea ku soo dhaweynayso Baaqii uu Ra’isul-wasaaraha Ethiopia, Abiy Axmed waxa uu sheegay inuu doonayo inay Dowladda Eritrea la heshiiyaan, isla markaana Ciiddanka Ethiopia dib uga soo baxaan Degmadda Badame oo ku taalla xuduudka Labadaasi dal oo Eritrea looga qabsaday dagaalkii dhex maray labada ciiddan.

Dagaalkaasi oo bilowday bishii May ee sannadkii 1998-dii, waxa uu dhamaaday bishii June ee sannadkii 2000, iyadoo lagu dilay Kumanaan Askar oo labada dhinac ah.

Dhinaca kale, Idaacadda FANA ee taabacsan Dowladda Ethiopia ayaa baahisay hadalka ka soo baxay Madaxweynaha muddada dheer ka talinayey Eritrea, ee uu ku sheegay inuu Wafdi Nbaadeed u soo diri doono Addis Abeba.