Warbixin: Kenya oo Shaacisay Habka & Xilliga ay Maxkamadda ICJ u Gudbinayaan Jawaabtooda Muranka Badda.

Iyadoo ay DFS bishan June 18-dii u gudbiyeen Maxkamadda Caalamiga ee ICC gal-dacwadeed ku adaan Caddaymaha Lahaanshaha xuduud-baddeedka ay ku murunsan yihiin Soomaalia iyo Kenya ayey Dowladda Kenya shaacisay inay iyagana Maxkamadda ICJ u gudbin doonaan Qoraal cusub.

Labada Dowladood waxay Gal-dacwadeedyo ka furteen Maxkamadda ICJ oo Xarunteeda dhexe ku taallo magaalladda Hague ee dalka Holland , si ay go’aan uga gaadho Muranka Xuduud-baddeedka  saddex geesoodka ee la isku haysta oo  dhererkiisu dhan yahay 100,000 oo mitir oo isku wareeg ah, isla markaana hodan ku ah Shidaalka iyo Gaaska Dabiiciga.

Murankaasi oo soo taagnaa tan iyo sannadkii 1964-kii Xuduud-baddeedkaasi ayaa la sheegay inuu ku jiraan

Dowladda Kenya waxay doonaysaa in dib loo calaamadeeyo Xuduud-baddeedka, iyadoo la waafijinayo Xuduudka dhulka ee ay Soomaalia la leeyihiin, halka DFS doonayso in lagu saleeyo Xuduudka saxda ee dhinaca Koonfureed ee Badda ee ay Kenya la wadaagaan.

DFS waxay horey u sheegtay inay sharci-darro tahay Dhaqdhaqaaqa Kenya ee ay ku sahminayso Xuduud-baddeedka lagu murunsan yahay.

Bishii Feberaayo ee sannadkii hore, Kenya waxay ku guul-daraysatay Wareegii 1-aad ee Kiiskaasi oo ay ku doonayeen inay Maxkamadda ICJ ku joojiso dhegeysiga buuxa ee Dacwadaasi.

Xeer ilaaliyaha Guud ee Kenya, Githu Muigai ayaa maxkamadda ka hor sheegay in murankaasi lagu xalin karo oo keliya qoddobadda kala ah:

In la raaco Heshiiskii Is-afgaradka oo ay Soomaalia iyo Kenya kala saxiixdeen sannadkii 2009-kii ama

In dacwadda Murankaasi lagu saleeyo Heshiiska Caalamiga ee QM ee laguxadaynta Baddaha, waa sida uu hadalka u dhigay.

Dhinaca kale, Ergadda Sharciga ee DFS waxay gaashaanka ku dhufteen Arrintaasi, iyagoo sheegay inuu murankaasi soo taagnaa tan iyo sannadkii 1964-kii, hal sanno kadib, markii ay Kenya xorriyadda heshay bishii December ee sannadkii 1963-kii.

Si kastaba ha ahaatee, Dowladda Kenya waxay ku dhawaaqday inay Qoraal cusub u gudbin doonaan Maxkamadda  ICJ bisha December 18-da ee sannadkan 2018-ka, inkastoo ay muuqato inaysan  kalsooni weyn ku qabin inay ku guuleystaan Dacwadda Muiranka Badda ee Soomaalia kala dhexeyso.