Isbaheysiga Sacuudiga iyo Imaaraadka oo la wareegay garoonka diyaaradaha ee magaalada Xudeyda.

Xulafada Sacuudiga iyo Imaaraadka oo ay wehliyaan ciidamada dowladda Yemen ayaa la wareegay gacan ku haynta garoonka diyaaradaha ee magaala xeebeedka Xudeyda, kaddib maalmo dagaalo qadhaadh oo ka socday daafaha iyo gudaha magaalada.

Saraakiisha Milateriga Yemen ayaa sheegaya in Isbaheysiga Sacuudiga iyo Imaaraadka ay gudaha u galeen garoonka diyaaradaha, kaddib markii weerar xooggan ku qaadeen.

Dagaalka ka socda Xudeyda ayaa ah kii ugu xoogganaa ee saddexdii sano ee u dambeeyay ee uu socdo dagaalka Yemen.

Isbaheysiga Sacuudiga iyo Imaaraadka ayaa qorsheynaya inay la wareegaan Dekeda iyo Air Porka Xudeyda oo ah meel istiraatiiji ah.

Maleeshiyada Xuutiyiinta ayaa adeegsanaya hubka culus ee Artileyriga, waxaana la sheegay in Isniintii ay soo rideen Diyaarad Helicopter ah oo uu Sacuudiga lahaa.

Diyaaradaha dagaalka Xulafada Sacuudiga ayaa 24-kii saac ee la soo dhaafay duqeymo ka waday qeybo ka mid ah dalka Yemen.

Xuutiyiinta ayaa dhabar jab ku ah, haddii laga saaro magaalada Xudeyda oo ah magaalo Deked leh, muhiimna u ah Xuutiyiinta.