Maxaa Ka Jira in Isku Shaandheynta Madaxweyne Muuse Galaafanyso Agaasimaha Guud ee Waxbrashadda.

  Prof Xareed
Maxaa Ka Jira in Isku Shaandheynta Madaxweyne Muuse Galaafanyso Agaasimaha Guud ee Waxbrashadda.
Nuur Cismaan Guuleed.
Bildergebnis für Nuur Cismaan Guuleed

 

Hargeysa(XeerNews24)-

Madaxwehnaha Maamulka Somaliland Muuse Biixi ayaa waxa la filayaa in dhowaan isku shaandheyn ku sameeyo golihiisa Wasiirada ,Agaasimayaasha Guud iyo Hayadaha Madaxa banana iyadoo talabadaan saameyn ku yeelan doonto xubno xilal sare ka haya xukumadiisa.
Warar hordhac ah oo laga heley isbadalkaan la filayo ayaa sheegaya in xukuumada cusub soo gali doonaan xubno ka tirsan xisbiga mucaaradka ee Wadani iyadoo la filayo in la siiyo Wasaarada arimaha gudaha.
Dhinaca Agaasimayaasha Guud ayaa la filaaya in xilka laga qaado agaasimaha Wasaaradda Waxbrashadda iyo Sayniska Md. Maxamed Yuusuf Xareed kaasi wasaaradiisa iyo shaqaddi xilkan halbowlaha u ah qaranka Somaliland uu noqday intii xilka ay hayeen isaga iyo Wasiir Fartoon hoos u dhac weyn ku yimid waxbrashadii dalku, Agaasimahan ayaa lagu badalayaa sida warar lagu kalsoonyahay ay ka heshay shabkadda wararka ee Sayruuqnews Md.Nuur Cismaan Guuleed oo xukuumaddi Siilaanyo ahaa Wasiir-Ku-Xigreenka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta.
Talaabadan u qaadayo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa gaalafan doonta xilal waaweyn oo masuuliyiintii loo agmaday sidii la rabay uga soo bixi waayeen sababta kale ayaa ah iyaduna culays kaga imanaaya haldoorka iyo madax-dhaqmeedka beelaha oo raba cid beelahooda saameyn ku leh.