Dibad baxyo xoogan oo Abiy Axmed lagu taageerayo oo Maanta Magaalada Diri-dhaba ka socda.

                                             Warar

      Wararka naga soo gaadhaya magaalada Diri-dhaba ayaa sheegaya dibad bax balaadhan oo lagu taageerayo siyaasada Abiy Axmed inay saaka gobolka Sitti ka bilaabatay waxaana dibad baxa soo qabanqaabiyay Barbaarta gobolka Sitti ee kacdoonka mudada soo waday, dibad baxan oo si nabad ah ilaa hada u socda waxaa lagu soo ban dhigay  taageero buuxda oo loo muujiyaya talaabooyinka isbadalku ka muuqdo ee uu Abiy Axmed qaaday.

      Waxaa dibad baxa lagu muujiyay dareenka shacabka oo ka turjumaya diidmada dulmiga Tigreega & adeegeyaashoodu Cabdi Iley kow ka yahay  ay mudada dheer dadka ku hayeen waxayan dibad baxayaashu ku dhawaaqayaan weedhu Tigreega & adeegeyaashooda wakhtigu ka dhamaaday ka dhan ah, magaalada Jigjiga ayaa iyadana dibad bax laga soo sheegayaa walow aysan shacabku dareenkooda dhabta ah si buuxad u muujin karaynin.