SAWIRRO: Puntland oo xayd-Xaydasho ka dhamaatay ayaa Ciidamadii ugu badnaa geysay Deegaanka Tukaraq iyo Xiisad ka taagan.

Wararka naga soo gaaraya deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool ayaa waxa ay sheegayaan in saacadihii la soo dhaafay ay halkaasi ku sii qul qulaayan Ciidamo aad u farabadan oo wata gaadiidka dagaalka.

Warar aan helnay ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidamo aad u farabadan oo ka yimid Magalada Khardho ay gaadheen deegaanka Tukaraq,kuwaas oo ah kuwo todobaad gudihiisa halkaasi gaadhay markii labaad.

Ciidamadaan ayaa waxa ay ku biirayaan Ciidamada Puntlnad ee ku sugan Tukaraq,kuwaas oo dagaal kula jira Ciidamada maamulka Soomaaliland.

Dhinaca kale Maamulka Soomaaliland ayaa iyana dhankooda waxa ay ciidamadii ugu badana geeyeen deegaanka Tukaraq,waxana taasi ay dhalisay in weli xiisadii dagaal ee ka taagneyd halakasi ay kororto.

Masuuliyiinta labada Maamul ee Puntland iyo Soomaaliland ayaa waxa ay hawada isku marsiinayaan hadalo sii hurinaya colaada,waxan weli sidoo kale jirin waan-waan la kala dhex dhigay Ciidamada Soomaaliland iyo Puntland.