Heer Ceynkee Ah Ayuu U Muuqday Taxanaha Colaadeed Ee Soomaalia Iyo Itoobiya?

Taariikhda gobolka Geeska Afrika mudo shan qarni ah laguma arkin Soomaalia iyo Itoobiya oo si derisnimo ah uga dhaxeeya dhaqan xasilooni ah, mid siyaasadeed, mid amni, cilaaqaad xaga ganasciga ah iyo isdhexgal shacuubta labada dhinacba.

Waxaa soo martay colaado guun ah, joogtana soo ahaa mudo shan boqol sano ku siman. Ethiopia waxaa ka talinayay imbaratooriyad isbad-badaleysay, laakiin ka siman hanka dhul ballaadhsiga iyo faafinta masiixiyadda qibtiga ah.

Inbiratoorooyinka Ethiopia, waxaa hoggaamin jiray boqoro asal iyo isirba kasoo jeeda Semetic “Saam”, waxayna weligood ku taami jireen in shacuubta kale ee gobolka geeska Afrika in la hoos keeno awoodooda.

Ethiopia-da maanta jirtana waxay ku sameysantay hadafkaas ku saleysan awoodaheeda isbalaadhinta.

Gumeysigii Ingiriiska ee mar ka wada talinayay Waqooyi iyo Koonfurta ee Soomaalia sanadihii 1941-50-kii ayaa  boqortooyada Haile Selassie ku wareejiyay labo waqti kala duwan dhul Soomaaliyeed 1948 iyo mar kale 1954.

Sababaha Ingriiska ugu wareejiyay boqortooyada Haile Selassie dhulka Soomaaliyeed waxay la xidhiidhay xanaaq uu ka qaaday arrimaha xornimo gaadhsiinta Soomaalia, taasoo ummadaha midoobay qaban qaabineysay. Ingiriiska wuxuu rabay in wasaayada Soomaalia ee xornimo gaadhsiinta inuu asagu maamulo, wuxuuna ballan qaaday in shanta Soomaaliyeed mustaqbalka isku noqon doonaan hal dowlad xubinna ka ah barwaaqo sooranka boqortooyada Ingiriiska, hase ahaatee waxaa la go’aamiyay in Talyaanigu xorriyad gaadhsiiyo Koonfurta kaliya.

Taariikhda inta la og yahay Soomaalia, dagaal ahaan iyo siyaasad ahaan iyadaa talaxumo darteed isku jabin jirtay, waagaasna geyiga Soomaalia waxaa maskaxiyan saameyn ku lahaa dabadhilif Talyaanigu sameystay.

Hadafkii Leegada wuxuu ahaa in shanta Soomaaliyeed xorrowdo, midowdo iyadoo hal calan iyo hal dowlad ka dhaxeeyo, hase ahaatee boqortooyada Itoobiya taasi iyadu raali kama aheyn, waxayna ka xigtay dagaal.

Boqor Haile Selassie waa ka argagixi jiray awoodii rabitaanka shacuurta Soomaalida iyo hoggaankii xisbigii Leegada ayuu reer Yurub ka dhaadhicin jiray inaanu Soomaalida istaahilin xorriyad iyo dowladnimo, wuxuuna ku sababeyn jiray inay Soomaalida u bisleyn qaababka ummadnimada iyo qaranimada, isagoo ku tilmaami jiray inay yihiin mujtamac qabiil iyo dad reer guuraa ah oo aan xuduud cayiman laheyn.

Sidoo kale, wuxuu ku tilmaami jiray mujtamac ka dhega xidhan horumarka iyo nolosha casriga ah ee hababka ummadi wax ku wadaagi karto.

1960-kii, israacii labada gobol iyo xorriyaddii ay ku sameysantay Jamhuuriyadda Soomaalia, Itoobiya wey ka amagaagtay. Boqor Haile Selassie ma hambalyeynin xorriyaddii Soomaalia sidda dowladdaha caalamka oo kale, hase ahaatee wuxuu ku qasbanaaday inuu aqoonsado dowladda Jamhuuriyadda cusub, isla markaasna dalkiisa noqdo dowladdii afaraad ee safaarad ka furata Muqdisho.

1963-kii, Madaxweyne Aadan Cabdulle Cusmaan iyo Boqor Haile Selassie ayaa isku arkay kulankii lagu aasaasayay ururkii Midowga Afrika, ee magaalada Addis Ababa. Aadan Cadde wuxuu u bandhigay Boqorka in Itoobiya si nabadgelyo ah dhulka ku maqan ay ugu soo biiriso Jamhuuriyadda Soomaalia. Bogor Xeylane wuxuu yidhi “Waxaan raabaa inaan mideeyo Soomaalia iyo Itoobiya oo aan ka dhigo hal dal oo federaal ah”.

Aadan Cadde ayaa asagane ku yidhi “Hadafkaas waan kasii durugsanahay, Afrika oo dhan ayaan waxaan rabaa in hal dowlad laga dhigo” taasoo Xeylasalaase u qashuucay.

Oktoobar 1971-kii Boqor Haile Selassie ayaa yimid Xamar si uu ugu qeybgalo shirkii a4-aad Bariga iyo Bartamaha Afrika ee lagu qabtay Muqdisho. Jaale Siyaad oo labo sano xukunka ku fadhiyay iyo Haile Selassie oo 36 sano waagaas boqor ahaa ayaa kulmay. Soo jeedinta kulankana waxaa lahaa Jaalle Siyaad.

Ajandaha wuxuu ahaa in laga hadlo aayaha dhulka Soomaalia ee Itoobiya ku maqan, Haile Selassie ayaa ku jawaabay “Boqortooyada ayaaba raadineysa Soomaalia oo ka maqan” wuxuuna si gaar ah u weydiistay Jaalle Siyaad sidii Jamhuuriyadda Soomaalia ugu soo biiri laheyd Boqortooyada Itoobiya.

Macalinkii Kacaanka Jaalle Siyaad arrintaasi waa ka argagaxay, Haile Selassie-ne qosol buu la dhacay. Maxamed Siyaad ayaa lagu yidhi “Adiga ma is-og tahay inaad tahay nin Itoobiyaan ah oo ku dhashay Shiilaabo ee gobolka Wardheer, saas darteedna waajib ayaa kaa saaran inaad maamulkaada hoos keentid Boqortooyadeeyda.

Laakiin waxaa arrintaas ka duwaneyd tii Mengistu Haile Mariam oo rabay kacaankiisii in lala mataaneeyo Kacaankii Oktober ee Jaalle Siyaad, wuxuuna usoo diray Soomaalia wafdigii ugu horeeyay ee u baxo dibada. Qorshaha Mengistu wuxuu ahaa in laga waayo aragnimo qaato kacaanka Soomaalia ka hirgalay, iyo inuu kala tashado xalinta mashaakilka ummadaha iyo qowmiyaadka kala duwan ee gudaha Itoobiya iyo sidii Soomaalia looga baran lahaa nidaamka Hantiwadaaga cilmiga ku dhisan.

Hase ahaatee 1977 Maxamed Siyaad wuxuu ku badashay dagaal si ba’an  loogu soo jabay. wadamo Carbeed oo Khaliijka kasoo jeedana soo qaban qaabiyeen.

Jabkii iyo burburkii Soomaalia wuxuu ka yimid dagaalkaas Itoobiya lagu qaaday. Males Zenawi ayaa markii danbe Soomaalia oo burbursan, una kala daadatay qabaa’il is-diidan ayaa meel cidlaa ka helay, wuxuuna u sameeyay nidaam federaal ah oo ilaa hadda Addis Ababa looga taliyo, saas darteedna maxaa diidaya inay tahay qorshe usii tallaabi karta mustaqbalka dhow in labada dal midoobaan.