Muxuu Is-Fahamka Siyaasadeed Ee Dowladaha Ethiopia Iyo Eritrea Ku Soo Kordhin Karaan Ammaanka Geeska Afrika ?

Dalalka Geeska Afrika waxaa saamayn Nololeed iyo mid Nabadgeliyo ku yeeshay Colaadaha Geeska Afrika ka socday dhowr iyo labaatankii sanno ee la soo dhaafay.

Deganansho La’aanta waxay horseeday inay Dagaaalo caynba-cayn ah ka dhacaan inta badan dalalka ku teedsan Geeska Afrika, iyadoo colaadaha ugu samaynta badnaa kala ahaayeen Dagaalki lagu hoobtay ee Ethiopia iyo Eritrea dhex maray sannadihi 1998-dii ilaa 2000, Dagaalka Kooxaha ku hardamaya dalka Koonfurta Suudaan iyo Colaadaha aan dhamaadka lagayn ee weli ka socda gudaha Soomaalia.

Inkastoo Dagaalkii Ethiopia iyo Eritrea uu dhamaaday muddo haatan laga joogo 18-sanno, haddana ma jirin Heshiis Siyaasadeed oo ay Madaxda dalalkaasi ka gaadheen Xilli-colaadeedkii ay Dadyowga labada dhinac ku riiqmeen.

Haddaba, Isbedelka cusub ee ay Dowladaha Ethiopia iyo Eritrea doonayaan inay kaga gudbaan Colaadihii soo maray ayaa la sheegay inay tahay Tallaabo wanaagsan oo wax badan ka beddeli kartta Deganaanshaha Siyaasadeed iyo Colaadaha ay labadaasi Dowladood ku lug leeyihiin ee ka aloosan Mandiqadda.

Ra’isul-wasaaraha Isbedel-doonka Ethiopia, Abiy Axmed oo xilkaasi loo doortay bishii April ee la soo dhaafay waxa uu garwaaqsaday in laga gudbo Isbaadho-siyaasadeedka ka dhashay Dagaalkii ay la galeen Eritrea.

Waxa uu si cad usheegay inuu doonayo inuu la heshiiyo Dowladad Eritrea iyo inuu Ciiddankiisa ka soo saarayo Degmadda Badme oo ay Milliteriga Ethiopia ka qabsadeen Eritrea.

Madaxweynaha muddada dheer ka talinayey dalka Eritrea, Issias Efewerki waxa uu soo dhaweeyey Niyad-wanaagga Ra’isul-wasaaraha da’da yar ee Ethiopia, Abyi Ahmed, kaasi oo maanta markii ugu horreysay booqasho rasmi ah ku tegay caasimadda dalka Eritrea ee Asmara.

Is-fahamka Siyaasadeed ee Ethiopia iyo Eritrea ayaa la saadaalin Karin inuu wax ka bedeli karo Jawi haatan ka aloosan Mandiqadda, gaar ahaan Dagaalka Soomaalia iyo muranka Eritrea iyo Jabuuti ee Lahaanshaha Jesiiradda Raas-Dumeyra oo u dhow Gacan-biyoodka Baabul-mandabka ee Koonfurta Badda Cas taas oo ah goob ay dawladda jabuuti siba ugaa maarmi karayn.

Milliteriga labada Waddan waxaa uu iska horimaad ku dhex maray xuduudka sannadkii 2008-kii, iyadoo Dowladad Qatar ku guuleysatay inay Ciiddamo Nabad-ilaalin kala dhex dhigto xuduudka labadaasi Waddan,xurgufti wadda carbeed ee khaliijka ayay dawladda Qatar kala baxday ciidamadda ka joogey Raas-Dumeera ka dibna Eritrea ayaa xoog kula wareegtay oo ila maanta ka talisa.

Dowladda Eritrea waxaa docda kale saaran Cunaqabataynta QM ee Hubka,  kadib, markii Dowladda Eritrea lagu eedeeyey inay ku lug leedahay Dagaalka ka socda Soomaalia, isla markaana ay Alshabaab siiyaan teegeerao Milliteri iyo mid Dhaqaale.

Balse, Dowladda Eritrea waxay beenisay Eedeymahaasi, iyadoo Kormeerayaashs QM ee Cunaqabataynat Hubka ee saaran Soomaalia iyo Eritrea sheegeen inaysan haynin caddaymo muujinaya inay Eritrea taageeraan Dagaalamyaasha Alshabaab ee dagaalka kula jira DFS iyo Ciiddanka AMISOM.

Hoggaamiyayaasha dalalka Afrika waxay horey u go’aansadeen in Eritrea laga saaro xubinnimadda Ururka Midowga Afrika iyo in la saaro Go’doomin Siyaasadeed.

Dowladda Ethiopia ayaana loo aaneeya inay Midowga Afrika ku riixeen inay Eritrea go’aamiyaan sababo la xidhiidhay Khilaafkii Siyaasadeed ee kala dhexeeyey.

Xeeldheerayaasha ayaa rumeysan in Dowladda Eritrea haysato Fursad Caalami iyo mid Gobaleed, si ay mar kale ugu soo muuqato Masraxa Siyaasadda iyo Kulamadda Ururradda Caalamiga, waxaana hor yaalla Fursad ay ku heshisiin karto Dowladda Ethiopia  iyo Ururka Xoreynta ee ONLF, oo ay Madaxdooda haatan ku sugan Caasimadda Eritrea ee Asmara.

Si kastaba ha ahaatee, Dowladda Eritrea door ma ku yeelan kartaa inay Dowladaha Gobalka heshiis siyaasadeed la gaadho Dowladda Federalka Soomaalia iyo Dowladda Jabuuti iyo inay gacan ka geystaan xal-u-helista dagaallada ka socda Soomaalia, Koonfurta Suudaan iyo muranka Xuduudka ee kala dhexeeya Jabuuti.