Diyaarada Ethiopian Airlines oo 20-sanno kadib u duushay Asmara (Daawo Sawirro)

  

Waxaa goordhaw garoonka diyaaradaha magaalada Adis Ababa ka duushay Diyaarad rakaab ay leedahay Shirkada Ethiopian Airlines , waxaa ayna Diyaaradan kusii jeedaa magaalada Asmara ee caasimada dalka Eritrea.

Diyaaradan ayaa ka qaaday magaalada Adis Ababa rakaab gaaraya 456-ruux, waxaana dadka diyaarada saaran la sheegay in ay ku jiraan siyaasiyiin iyo dad caan ah uu ku jiro Ra’isul Wasaarihii hore ee Itoobiya  Hailemariam Desalegn.

Rakaabka diyaarada u duushay Asmara saaran waxaa ku jira dad 20-sano kahor ugu dambeysay dalka Eritrea ay kasoo jeedaan, waxaana dadkan wajiyadooda ka muuqaay dareen farxadeed.

Dowladaha Itoobiya ayaa ka heshiiyay colaadii mudo 20-sano u dhaxeysay, waxa ayna labada dowladooda waxyaabaha ay ku heshiiyeen ku jira in dib loo bilaabo duulimaadka tooska ah ee labada wadan iyo in dib loo furo safaaradaha labada wadan.

Duulimaadka diyaaradan maanta ku aaday dalka Eritrea ayaa noqonaya kii ugu horeeyay 20-sano kadib, waxaana arintan si weyn ugu faraxsan una soo dhaweeyay shucuubta labada wadan.