Digniin iyo talo wadaag sax ah

 

Waxaan si dhaw ula soconaa in Barbaarta Xaqdoonka ah ee Degmooyinka gobolka Sitti iyo magaalada Dire dawa ba lasoo dhex geliyay qorshe iyo munaaqafad aad u fool xun oo ka timid Cabdi Ileey iyo Canaasiirtiisa liidato qorshahaa oo ah in Barbaarta lagula talinaayo inay hab dhismeedkooga ay isku maamulayaan Kacdoonkana uwadaan ee Gudiyadooda Sara ah inay ku saleeyaan qaab ah in intii isku jilib ahba la isku xidho oo dusha sarana mid ama labo jilibkooga ah ay hoos yimaadiin loo sameeyo , qayb walbana labada usarrayso intoo la isku geeyo gudiga usarreeyo ee maamulka guud ah laga dhigo . Ma xumo habkii barbaarta Dire dawa udhisteen Gudiyadooda ee Degmooyinka lagasoo jeedo ku salaysnaa ee Dire dawa ka dhisnaa laakiin waxaan aad uga digaynaa Barbaarta Degmooyinka iyo kuwa Dire dawa ba inay ka joogsadaan fikraddan ku salaysan jilib ee in hadhaw iyaga la isku jebiyo looga Dan leeyahay , Odyihii baa qorshahaa lagu curyaamiyay oo Reer hebeloow ninkaaga qabso lagu fashiliyay ee Barbaartu haka taxadarto arintan lasoo dhex geliyay oo ah sun Cabdi Iley soo walaaqay.

Isku duubni iyo degma walba cidda ugu firfircoon ee dareen dhabarnimo iyo daacadnimana leh uun halagu saleeyo cidda maamuli hawsha degmo , Dire dawa iyo heer Gobolka ba (sidii aad mudadaaba usoo waddeen ee wanaagsanayd ) ogaada Kacdoonka aad waddiin waxaad ku diidantihiin dulmi iyo caddaalad darro Deegaanka haysato ee maaha mid laga dulqaadaayo dhibaato jilib ama Reer gaar ah haysato sidaa darteed waa in laga digtoonaado ficilada Canaasiirta Ina Ieey nisoo dhex gelinayaan ee hadhaw nikala jebini

Marka aad Gobol uun Kacdoonka ka bilawdeen ay Gobolada kala badankooga duruufuhu usaamixi wayday iyay In dulmiga ni ogolaysiini niigu ekaysiiyaan Reer Reer diidan laakiin xaqiiqadu waxay tahay dulmiga la diidanyahay Reer maaha ee waa nidaam xun oo Deegaanka oodhan haysto ee waa hadba intii fursad ay kusii hadasho hesho uun waxa sii bilawday Kacdoonka nabadaysan iyagoo kuwa kalana garab u ah , hadana iniga in nini kala daadiyo oo talooyin daciif ah ninii keeno ka foojignaada dhammaan Barbaartaay.

Qore: Halgame Laba-Doon