Nin Itoobiyaana oo isku sheegay inuu ‘Nabi’ yahay oo xabsiga la dhigay.

Nin isku sheegay inuu ‘Nabi’ yahay oo xabsiga la dhigay

Ninka nabinimada isku sheegay oo leh waxaan soo kicinayaa meydka

Nin la yidhaahdo Belay Biftu wuxuu ku noolaa degmada Limu ee galbeedka Itoobiya. Isniinti aan soo dhaafnay ayuu ninkaasi shil baabuur  ku geeriyooday.

Qoyski ninka dhintay oo tacsi iyo geeri u fadhiya ayaa waxaa goobti tacsida ka kacay nin sheegtay inuu nabi yahay oo uu soo Nooleynayn karo ninka afar maalmood ka hor dhintay.

Marku reerki Belay uu ka dhaadhiciyey inuu wiilkooda soo kicinayo waxaa la wada aaday qabuuraha dadka diinta kirishtanka aaminsan lagu aaso oo uu ninka dhintay ku aasnaaa.

Ninkan nabinimada sheeganayo oo lagu macgacaabo Geta Yawqal wuxuu amar ku bixiyey in qabriga Balay lagu aasay la soo faaqo si uu howshiisa uu u wato.

Meydkii marka la soo saaray ayuu marar badan ku dhawaaqay “Belay Kac” isaga oo sanduuqa uu meydka ku jira marna ku seexanayey marna ku foorarsanayey.

Ugu dambeynti, ninki nabinimada sheeganayey ee lahaa waxbaan soo nooleyn wuu daalay sida uu u qeylinayey aakhirkina wuxuu yidhi “waxba lama sameyn karo”, markiba wuxuu isku dayay inuu goobti ka dhaqaaqo ama baxsado waxaase ninkan waxa uu sameeynayey si weyn uga war sugayey qoyska ninka dhintay gacan qaad ayaana halki ka dhacay

Markiba goobti waxaa yimid boolis oo warka la gaadhsiiyey ninki beenaalaha ahaa oo sida loo garaacayey in la dilo qarka u saaraan ayay ka soo gaadheen, Booliska degmada limu ayaana ninki hadda gacanta ku haya.

Ninkanna shaqadiisu rasmiga ah waxaa la ogaaday inuu yahay xirfadle caafimaad oo ka shaqeeyea xafiiska caafimaadka degmada.

Muuqaal ficilka ninkan laga duubay oo baraha bulshada la geliyeyna waxay noqotay mid sii weyn loo hadal hayo.

Nin nooloow maxaa aragti kuu laaban ayaa horay loo yidhi.