Madaxii biyo xidheenka Abay ee Itoobiya oo isaga oo mayd ah la helay (Daawo Sawirro)

Ninkii madax ka ahaa Mashruuca biyo xidheenka weyn ee Abay ee dalka Itoobiya ayaa maanta isaga oo meyd ah waxaa laga helay gaadhigiisa oo yaala fagaare kuyaala magaalada Adis Ababa .

Warbaahinta dalka Itoobiya ayaa sheegtay in Meydka Madaxii biyo xidheenka weyn ee Abay laga helay isaga oo ku jira gaadhigiisa fagaaraha Masqal Adhababay ee ku yaalla magaalada Addis Ababa.

Booliiska magaalada Adis Ababa ayaa qaaday meydka masuulkan la dilay, waxaa ayna ciidamada booliiska wadaan baadhitaano xoogan oo ku aadan sidii loo ogaan lahaa sababaha dilkan keenay iyo cidii ka dambeysay.

Xiliga dilkan ku soo beegmay ayaa ah wakhti xasaasi ah siyaasa ahaan dalka Itoobiya oo lagu jiro wakhti kala guur ah