AKHRISO: Maxay tahay Ujeedada Dahsoon oo Eritrea ay ka leedahay dhexdhexaadinta Somalia & Imaaraadka?

Imaaraatka Carabta ayaa kaalin weyn ku lahaa Isku soo dhawaanshaha Ethiopia iyo , iyadoo uu dhaqaalo uu ku bixiyay sidii labada dhinac heshiis ay u gaadhi lahaayeen, Imaaraatka inuu la dhinac noqdo Ethiopia iyo Eritrea waxaa qasbay markii uu waayay heshiisyadii dekadaha ee Soomaaliya iyo Jabuuti.

Eritrea iyo Soomaalia ayaa hadda yeelanaya xidhiidh isku soo dhawaansho, waxaana 15 sano kadib ay is dhaafsanayaan safaarado, iyagoo safiiro magacaabi doonaan.

Siyaasadda Cusub ee Gobolka, ayaa timid markii heshiisyo ay gaadheen Ethiopia iyo Eritrea, Imaaraatka Carabta ayaana hogaanka labada dal guddoon siiyay Bilado kadib heshiiskoodii.

Golaha shacabka iyo aqalka sare ee baarlamaanka Soomaalia ayaa ansixiyay sharci ogolaanaya in shirkadda DP World aysan ka shaqeyn karin dalka, waxaana sharcigaasi uu horyaala madaxweynaha Soomaalia oo aan wali saxiixin.

Haddii Eritrea ay ka shaqeyso isku soo dhawaanshaha Imaaraatka iyo Soomaalia, waxaana la ogeyn sida xaalka Shirkadda DP world noqon doono.

Wasiirka warfaafinta Soomaalia Daahir Maxamuud Geelle, ayaa sheegay in Eritrea iyo Soomaalia ay ka shaqeyn doonaan horumarka dalka geeska africa.

“Dabcan Dowladda Eritrea iyo Imaaraadka oo isku fiican, waxay kaalin mug leh oo macno leh ka qaadan kartaa inay isku soo dhoweyso Soomaaliya iyo Imaaraadka oo arrimo badan oo la kala tabanayay ay beryahan jireen”ayuu yidhi Wasiir Daahir Geelle.

Xidhiidhka Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta ayaa dhowrkii bilood ee la soo dhaafay ahaa mid mugdi galay, tan iyo wixii ka dambeeyay bishii April ee sanadkan markii Ciidamada ammaanka Soomaaliya ay garoonka diyaaradaha Muqdisho ku qabteen lacag gaadheysay 10-milyan oo u socotay Safaaradda Imaaraadka Carabta ee Muqdisho.

Dhacdadaas ayaa keentay in Imaaraadka Carabta ay cambaareeyaan sida loola dhaqmay oo ay ku tilmaameen inay tahay mid ka baxsan xeerarka diblomaasiyadda, waxaana ay joojiyeen howlihii tababarka iyo taageerida Ciidamada Soomaaliya.

Is bedelka ka bilowday Gobolka Geeska Afrika ayaa sabab u noqday xulufo cusub oo ka dhex bilowda dowladaha Eritrea, Itoobiya, Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta, waxaana muuqata in loolanka loogu jiro dalalka ku yaalla Badda Cas inuu saameyn ku yeelanayo Soomaaliya.

Booqashadii ra’iisul wasaare Abiy Axmed uu ku yimid Soomaalia 16 June 2018 iyo heshiisyadii afarta dekadood ee uu la galay madaxweynaha Soomaalia, ayaa dhalisay shaki badan, maadaama ka hor booqashada Abiy ee magaalada Muqdisho, uu la kulmay masuuliyiin ka tirsan Imaaraatka Carabta.

Waxaa sidoo kale Booqashadii Abiy Ahmed ee Muqdisho ka hor, Imaaraatka Carabta ay bangiga Ethiopia ku shubeen dhaqaalo gaadhaya 3 milyan oo doolar, taasi oo la sheegay in lagu kabayay dhaqaalaha Ethiopia.

Imaaraatka ayaa joojiyay howlihii tababar ee uu ka waday magaalada Muqdisho, markii uu xumaaday xidhiidhkii kala dhaxeeyay Soomaalia, waxaana joogsaday dhaqdhaqaaqyo badan oo ay ka wadeen Soomaalia, laakiin ma aysan joojin dhaqdhaqaaqii ka socday qaar kamid ah gobolada dalka.

Waxaa jirtay dacwad dowladda Soomaalia ka gudbisay Imaaraatka Carabta oo loo diray Qaramada Midoobay iyo Jaamacadda Carabta, taasi oo ku aadaneyd inay faragelin toos ku hayaan Soomaalia.

Ka sokow Imaaraatka in xidhiidhka u la lahaa Soomaalia uu xun yahay, haddana xulufada Sacuudiga ayaa hogaanka Soomaalia ku xaq liya inay Qatar taageersan yihiin, laakiin dowladda waxay sheegtay inay dhex dhexaad ka tahay khilaafkii dhexmaray sanad ka hor Qatar iyo Xulufada Sacuudiga.

Isbaheysiga Cusub ee Gobolka oo Xulufadda Sacuudiga ay wadeen ayaa Caqabad ku noqon kara danaha Wadamada Turkiga & Qatar ka leeyihiin wadamada geeska Africa, gaar ahaan Soomaalia.

W/D Maxamed Ciise Maxamuud