Ma Run Baa In Oromo/Gaalla Degi Jirtay Soomaaliya?




Waxaa jiray warar la faafinaayay sannadihii 1850-1960kii oo sheegaayay in dhulalka maanta Soomaalidu degto ay waagii hore degi jirtay qoloda la yiraahdo Oromo ama Gaalla. Waxaa wararkaas isku soo duway dalmareenno iyo waxyaqaanno kala duwan. Hase yeeshee, laga soo bilaabo sannadkii 1958dii waxaa si cilmiyaysan oo caddaymo wadata loo burinaayay wararkaas. Iyadoo sidaas ah, waxaa ayaandarro ah in qoritaanka taariikhda cusub ee Soomaaliya lagu bilaabo sheekooyin dhalanteed ah oo sal iyo baar beenabuur ah. Waxaa beenowday in dadka Soomaaliyeed ka yimaadeen dhanka waqooyi oo dhanka koonfureed u soo hayaamay intii lagu gudo jiray kunkii sanoo hore ee M.D/ga (Masiixiga Dabadi) iyagoo riixaaya Oromada. Waxaa dhabowday in Soomaalidu ku sugnayd Geeska Afrika in ka badan 4500 oo sano.

Waxaa caddaatay in dadka Soomaalida ah laga soo caadaadiyay taagagga sare ee dalka maanta loo yaqaan Itoobiya. Waxaa kamid ah caddaymaha arrinkaan loo hayo ogaanshihii dalmareenka ee 1902dii ee uu ku ogaaday qoloda la yiraahdo Bayso oo ah qolo guun ah oo Soomaali ah oo degta koonfurta Itoobiyada maanta. Waxay Baysadu waligeed ku noolayd agagaarka Harada Abbaay.

Laga soo bilaabo sannadkii 1958dii waxaa diidmo xooggan ka keenaaya sheekadii dhalanteedka ahayd ee Oromada iyo Dhulalka Soomaalida aqoonyahanno kala duwan sida; Herbert Lewis iyo Harold Fleming. Iyagoo si kala gooni ah u shaqeeyay ayay waxay wada diideen fikraddii beenta ahayd, waxayna ku saleeyeen go’aankooda;  hab-tusmeedka dadka (sida dadk u yaal) Soomaalida iyo hannaanada afka. Mar haddii inta badan afafka Kuushta Bari looga hadlo koonfurta gobolka, sidoo kalana badi lahjadaha Afka Soomaalidu u badan yihiin koonfurta, waxaa hubaal ah in Soomaalidu isir ahaan ka soo jeeddo gobolka Omo-Tana.  Halkaas oo uu wabiga Omo u qulqulo koonfurta ilaa galbeedka Itoobiya, Taanana u qulqulo waqooyiga ilaa bartamaha Kenya. 

Waxaa fikradda dhalanteedka ah ee aan kor ku xusnay, markii ugu horreysay qoray sannadkii 1854tii dalmareenkii Ingiriiska ahaa ee la oran jiray Richard Burton, waxaase qarnigii 20aad  isku dubbariday ninkii Talyaaniga ahaa ee la oran jiray Enrico Cerulli iyo kan Ingiriiska ah oo la yiraahdo I.M. Lewis.  Waxay ku dacwiyeen raggaasi inay hawlahooda cuskiyeen taariikh-afeedka Soomaalida taas oo aan laga heli karin sheekooyinkii la isu tabinaayay ee dadka Soomaaliyeed. Waxaa ku xoog badan sooyaal-afeedka Soomaalida in waqooyi, bari, galbeed  ilaa bartamaha Soomaaliya ay degi jirtay qolo la oran jiray Tiirri iyo gobolladda koonfureed  oo ay degi jirtay qolo la oran jiray Madalle. Labadaan tol waxay uga tageen dhulalkii ay degganaayeen raadad ilaa maanta si weyn loo arko iyo sheekooyin kale duwan. Waxay u badan tahay inay ka mid ahaayeen tolalkii waaweynaa ee waayahaas arlada degganaa, isla ayagana qeybo badan oo Soomaalida maanta ah ka soo jeedaan. Waxaa kaloo jirta in qoraalladii Giriiggii hore iyo Roomaankiiba ay muujinayaan in intii u dhexeysay 200 M. H iyo 600 M. D ay dhulalka Soomaalida degganaayeen dadyow is-maamul iyo ganacsi xooggan lahaa. Hiddihii iyo dhaqammadii dadyowgaas ee la tilmaamay waxay u eg yihiin isla kuwa maanta Soomaalidu haysato.

 Waxaa kaloo caddaymo wanaagsan laga helaayaa taariikhdii loollammadii Abasiiniyiinta iyo Saldanadihii Soomaaliyeed. Tusaale ahaan, markii uu Amiir Nuur Yuusuf gacanta ku dhigay inta badan Abasiiniya oo ku beegan qarnigii 16aaad, asagoo ku sugan dhulalkuu furtay baa loo soo sheegay in Orammada oo aan markaas diinta islaamka qaayibin oo aan hore aaggaba u joogin culays soo saartay xaruntii Saldanada ee Harar.  Sidaas darteedna, Amiir Nuur wuxuu ka soo noqday dagaalladii Abasiiniya wuxuuna olole xooggan ku qaaday Oromada oo dhaqaalihii saldsanada cabburinaysay. Waxaa kaloo marag weyn ah xilligii Ololihii Weynaa ee Furashada Xabashida ee Imaam Axmad-Gurey, waxaa jirtay goobtii caanka ahayd ee lagu jabiyay Xabashida in la oran jiray „Shinbira-Kore“. Sidoo kale waxaa jirtay goobtii iyaduna caanka ahayd ee lagu dilay Garaad Maxfuud oo la oran jiray „Ay-Faras“. Labadaas gooboodba waa agaggaarka Addis-Ababada maanta, inay degaan Soomaaliyeed ahaayeenna waxaa muujinaaya magacyada. 

Waxaa dhab ah inaan geyigaan ka hadlaynno laga aqoon Oromo ama Gaalla wixii ka horreeyay nuskii dambe ee qarnigii 16aad. Markaas oo Oromadu hayaan xooggan ka soo samaysay dhanka Kiinyada maanta, is-fidin baaxad lehna wadday. Laguma hayo sheekooyinka Oramada inay degi jirtay arlada Soomaalida. Sidoo kale Soomaalidu waayo dhaw kahor uma aqoon magacaan Oromo ama Gaalla, waxayse xusi jirtay qolooyinkii ay is-ood xigeen sida; Qoti, Caruusa, Booran iyo Warday. Marmar waxay ugu wada yeeri jirtay Gaala Madow. Waxay u eg tahay in shisheeyihii wax ka qoray Geeska Afrika isaga gadmadeen erayada Gaal oo geela meelaha qaarkood loogu yeero, Gaalla oo Oromada loogu yeero iyo Gaal oo Soomaalidu u taqaan qofkaan diinta islaanka rumaysnayn.

Iyadoo la gartay halka ay Soomaalidu ka soo jeeddo markii loo fiirsaday astaamaha afka iyo tusmo qoleedyada ayaa waxaa intaas dheer in dhawaan culummada saynisku markii ay baareen isir-sidaha loo yaqaan “Y Choromosome” ee Soomaalida ay summaddiisu la mid noqotay summadaha dadyowga kale ee Kuushta Bari. Dadkaan isir-sidahoodu isku summadda yahay waxay ku noolaayeen meelaha ay hadda joogaan ilaa 4500 sano. 

Iyadoo xogahaas la tixraacayo wuxuu dhulkii hooyo ee taariikhiga ahaa ee Soomaaliyeed seerahiisu ku sinnaa diillin maraysay dalcadaha Shawa oo sii maraysay dalcadaha Baali ilaa daamanka Wabiga Galana ee ku dhammaada meel Malindi u dhaw. Aagaggii Soomaalidu degi jirtay waxaa wali ku sugan qolooyin asal ahaan Soomaali ahaa. Waxaa kaloo si weyn u muuqda dhaqammadii Soomaalidii hore gaarsiisay dadyowgii dariska la ahaa.  Oromada lafteeda baa waxaa laga helayaa caddaymo muujinaya arrinkaan ka hadlaynno. Tusaale ahaan,  waayihii ay Oromadu ku jirtay is-fidintii weynayd waxay xuseen qolooyinkii dariska la ahaa oo ka soo horjeeday sida Gabra iyo Jiiddo oo qolooyin Soomaaliyeed ah iyo Sidaamo oo Reer Kuush ah. Jiiddada oo hore Sidaamadu u kale jartay iyaga iyo tolkood Bayso ayaa xilli ku beegan 1450-1550 Oromadu ka soo riixday Baali ilaa ay yimaadeen degaankooda maanta ee galbeedka Muqdishow. Halka Gabre oo ah xigtadii Garre uu doortay aaggiisii hore wuxuuna ku milmay oo la dhaqmay qolada Booran. Macnaha erayga Gabra waa kii la qabsaday ama la afduubay taasoo oo muujinaysa in Oromadu Gabraha ka itaal roonaatay.

Markaan soo hoobinno sheekooyinka dalka iyo dadka Soomaaliyeed, waxaan hadda garan karnaa inaysan run wada ahayn waxyaalo badan oo la isugu sheekeeyo . Waxaa run ah, in sida ummadaha kalaba ka dhex dhacda, inay jireen qoysas u soo tallaabay degallada Soomaalida oo ku milmay reer gurigii dhulka, kadibna xubno ka noqday Bulshoweynta Soomaalida. Si kastaba ha ahaatee, marna dhab maahan in absaxankii Soomaaliyeed dhoof ku yimid dhulalka maanta Soomaalidu degto.

 

Tixraac:

Galla und Somal’, Berlin.

-Sasse, Hans-Jurgen, 1979, ‘The Consonant Phonemes of Proto-East-Cushitic: A First   

Approximation’, in Monographic Journals of the Near East, Afroasiatic Linguistics, v. 7, ed. 1.

-Shihaabuddiin Ahmed Abdul-Qaadir, Arab-faqiih, “Futuhal-Habashah”, ed., 1974.

-Turton, E. R., 1975, “Bantu, Galla and Somali Migrations in the Horn of Africa: A Reassesment

   of the Juba/Tana Area”, in Journal of African History, XVI, 4, pp. 519-537.