XOG: Dagaalka u dhaxeeya Axmed Madoobe iyo Cabdi Iley oo Heerkii ugu xumaa Maray

Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Hogaamiyaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe uu khilaaf adag kala dhexeeyo dhigiisa dowlad deegaanka Soomaalida Ethiopia Cabdi Maxamuud Cumar (Cabdi Iley).Khilaafka Axmed Madoobe iyo Cabdi Maxamuud Cumar (Cabdi Iley) oo waayadan ahaa mid taagan ayaa waxa uu sii xoogeystay tan iyo mudadii uu xidhnaa Sarkaalka ONLF Cabdikariin Qalbi­Dhagax oo dhawaan lasii daayay.

Axmed Madoobe ayaa horay uga cadheysnaa kadib markii Cabdi Maxamuud Cumar (Cabdi Iley) uu sabab u noqday fashil ku yimid dadaalo lagu wada hadalsiinaayay Dowlada Ethiopia iyo Jabhada ONLF oo dagaal uu ka dhexeeyo. Khilaafka labada mas’uul ayaa iminka gaadhay heerkii ugu xumaa sida laga soo xigtay

mas’uuliyiin kasoo jeeda Dhulka Soomaalida kaa oo iminka gaadhay heer aad u xun.

Xogta aan heleyno ayaa tibaaxeysa in Hoggaamiye Axmed Madoobe uu iminka ka shaqeynaayo sida Dowlada Ethiopia ay kursiga uga laali laheyd Cabdi Maxamuud Cumar (Cabdi Iley) oo muddo ku fadhiyay kursiga.

Axmed Madoobe ayaa laalida Cabdi Maxamuud Cumar (Cabdi Iley) u kaashanaaya mas’uuliyiin ka tirsan ONLF gaar ahaan garabka iminka ku sugan magaalada Asmara ee dhawaan kulanka saacadaha qaatay la yeeshay Ra’isul wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed.

Dowlada Ethiopia ayaa aaminsan Hogaamiyaha Jubbaland Axmed Madoobe, waxaana xusid mudan in Madoobe uu yahay Hogaamiyaha keliya ee maamulada ka jira Soomaalia ee la kulmay Ra’isul wasaare Abiy Axmed.

Dhawaanahaani waxaa soo baxaayay hadal heyn muujineysa in Ra’isul wasaare Abiy Axmed uu isbedel dhanka maamulka ku sameynaayo maamulka Soomaalida taa oo xoojineysa khilaafka Axmed Madoobe iyo Cabdi Maxamuud Cumar (Cabdi Iley).

Xogta ayaa haday dhab noqoto waxay Cabdi Iley ku tahay nabar buraha ah oo wajiga ka soo baxay Cabdi oo hadda meel walba naga nacay ayaa maalinti shalay ahayd wuxuu si naf la caaridnimo ah u magaacaabay 99 degmo iyo 22 maamula magaalo talaaban Cabdi Iley ku dhawaaqay waa mid aan marnaba laga filayn talaabo qof fayoow ku dhiiran karo sababto ah degmooyinka iyo maamul magaalooyinka uu sheegey waxay ka badan yihiin kuwii Horay u jiray oo dhamaantood xaraad iyo jid xumo looga guuray kuwa cusub lama garan karo cida siyaasad ahaan kula talisay waxaase loo malayn arin uu kula tartami shirka wada tashiga Soomaalida Ethiopia ee ka qabsoomi doona magaalada Soomaaliyeed ee Diri-dhaba shirkaas oo Cabdi Iley u arko khatarta ugu wayn ee maamuulkiisa sii galban jarka kasii tuuri doonta.