Maxkamadda London oo go’aan ka gaadhay kiiskii Jabuuti iyo DP World.

Maxkamadda caalamiga ah ee dhex-dhexaadinta ee magaalada London ee London Court of International Arbitration (LCIA) ayaa go’aan ka gaadhay kiiskii ka dhaxeeyay dowladda Jabuuti iyo shirkadda DP World ee dalka Imaaraadka Carabta.

Maxkamadda ayaa sheegtay in heshiiskii ay DP World kula wareegtay maamulka dekedda Doraleh ee Jabuuti, oo markii dambe dowladda Jabuuti ay ka baxday uu yahay mid “sharci ah, oo weli taagan”

Dowladda Jabuuti ayaa maamulka Dooraaleh kala wareegtay DP World bishii Febraayo, kadib muran soo socday illaa sannaddii 2012. DP World ayaa arrintaas ku tilmaamtay mid sharci-darro ah.

“Maxkamadda LCIA waxa ay xukuntay in heshiiska Doraleh uu yahay mid sharci ah oo taagan” waxaa sidaas lagu yidhi bayaan kasoo baxay qeybta warbaahinta ee dowladda Dubai, oo aan sheegin goorta go’aanka la gaadhay.

“DP World waxaay ka jawaabi doontaa xukunkan, waxayna eegi doontaa waxyaabaha u furan” ayaa lagu yidhi qoraalka.

Dowladda Jabuuti weli ma aysan ka hadlin xukunka la sheegay inuu dhacay.

Jabuuti ayaa bishii March sheegtay inay diyaar u tahay inay iibsato saamiga ah 33% ee DP World ay ku lahayd Doraleh, si loo soo geba gebeeyo muranka kala dhaxeeya mid ka mid ah shirkadaha ugu weyn dunida ee maamula dekadaha.

Inkastoow wali hadlin Dubay iyo jabuuti midkoodna hadana Go,aanka ayaa noqon kara guul xagga sharciga ah oo usoo hoyatay dawladda jabuuti.