Mayor (Duqa)Ibrahim Osman waa kuma?

 

 

Ibrahim Osman waa Nin dhallinyara oo Da’ada 30 meeyada ku jira.
Waa Mayor ama Duqa ismaamulka magaalada Diridhaba.
Waa aqoonyahan 10 sanno kahor shahaadada Digre ka qaatay jaamacaha dalka Itoobiya.
Waxuu ku hadla afar luqadood oo kala ah;Soomaaliga, Englisch-ka, Amxaariga, iyo Oromadda.
Xilki ugu horreeyay waxaa loo magacaabay guddoomiyaha degmada 07 ee Xaafad-Ciise oo ah degmada ugu ballaadhan magaalada Diridhaba.

Waxa mar kale loo magacaabay agaasimaha xafiiska warfaafinta isla magaalada Diridhaba iyo xilal kale oo badan.

Ugu dambeyn waxa loo magacaabay Duqa (Mayor) Diridhaba oo muddo 5 sanno u haynayo.

Waa xubin ka tirsan guddiga fulinta ee X D SH S Soomaalida Ethiopia.
Waa Nin qunyar socoda oo Mansabka iyo Mujtamaca is wadaajay.
Waxuu isku darsaday Karti iyo Hawlkar, sida dhaqaalaha isaga ka ag dhaw sheegeen waa Nin nadiif ka ah musuqa, xil-gudashada jecel.

Ibrahim Osman wa Nin ka fayaw Balwad iyo wixi la mida, waqtigiisa firaaqada jecel inu la qaato Qoyska, Ehelada, iyo Asxaabta.

Ibrahim marka laga yimaado qoomyadaha kale Diridhaba oo aad u qadariya, waxa sido kale aad u jecel Somaalida iyo guudahaan reer Sitti oo u arka inu yahay Shaqsi Bulshadu u baahantahay.

 

Waxa tahay hogaamiye
Hiigsanaaya meel sare
Ku hammiya had iyo jeer
Hirowmari dalkaago
Inay helaan dadkaagu
Nolol raaxalo haboon
Hanti lagu nagaado
Harraadkiyo gaajada
Kaga hadhaan abaaraha
Waana midaad ku hanatay
Hiyin kicisay bulshade
Laabta kuugu hayaan
Adiguna hogaanka
Iyaguna hareertaa
Waligiin is haysta

Qore: macalin Bashiir.