Waa Sidde Jawiga Caawa Jiga Jiga & Ciidanka Liyuu Boolis Oo La Wareegay!

Waxaa caawa ka jiraa magaalada Jigjgga Jawi Xasilooni oo Laga dareemayey Gelinkii dambe ee maanta Magaalada Jig jiga Ee Xarunta Dawlad Deegaanka Somaalida Itoobiya.

Ilaa 10 saacadood kudhawaad waxa faraha ka baxay Amnigii iyo Kala Dambeyntii Maamul Ee Magaaladaasi ka jiray.

Rabshado ayaa hadheeyey,Taayaro ayaa la gubay,Boob Hantiyeed ayaa dhacay Dadna waa la laayey oo Qowmiyado Ajaanib Ahaa.

Ilaa 10 Qof ayaa la sheegay inay ku dhinteen iyadoo Kontameeyo kaleena ay dhaawac tahay,ma jirto Soomaali la dilay sida ilo lagu Kalsoon yahay ay sheegayaan.

Telefishanka ismaamulka ESTV ayaa waxa laga baahiyey Muuqaal laga soo duubay Madaxweyne Cabdi Ilay oo Shacabka ugu baaqay in La is dejiyo oo Rabshad ay waxba soo kordhineyn.

Magaalada Jig jiga ayaa Galabta waxa la filayey in R/wasaare Kuxigeenka Itoobiya maanta la filayey inuu halkaasi tego balse uu ka baaqday.

Ciidanka Liyuu Boolis Ayaa waxay la wareegeen Amniga Magaalada Jig Jiga iyadoo Ciidankii Federaalka Itoobiya magaalada banaankeeda Labo Xero ku taalla la iskugu geeyo.

Sanado Ka hor sidii ay aheyd ayey Caawa Muuqaal ahaan u eg tahay mid colaad wakhti badan kusoo jirtay,islamarkaana bilicdii qurxooneyd magaalada ay fool xumaatay rabshadihii maanta dhacay darteed.

L’image contient peut-être : une personne ou plus, personnes debout, nuage, ciel et plein air

L’image contient peut-être : une personne ou plus et plein air

L’image contient peut-être : plein air

Aucun texte alternatif disponible.