Saddex qodob oo soo dedejin kara in uu RW Abiy Ahmed ku guuldarreysto talada Itoobiya.

Raisul Wasaaraha da’da yare ee Itoobiya Abiy Ahmed ayaa waxaa uu talada hayaa muddo afar bilood ah, muddadaas kooban waxa uu ku sameeyey guulo iyo go’aanno siyaasadeed oo aad u xawaare sarreeya oo ay adkeyd in la suureysto inta aan la magacaabin kahor.

Hase ahaatee, waxaa soo food saaray caqabado waa weyn oo u baahan in uu xaliyo si uu u gaadho himilooyinka uu ku taamayo balse haddii xal u heli waayo waxa ay soo dedejin doontaa guuldarradiisa. Caqabadaha ugu waa weyn ee uu wajahayo waxaa ka mid ah qoomiyadda uu isaga ka soo jeedo ee Oromada kuwaas oo collaada ay ka wadaan xadka ay la wadaagaan Soomaalida sabab u noqon karaa fashalkiisa, Tigreeda ayaa iyaguna ah caqabad hortaagan hoggaankiisa oo aan wali ka samrin xukuknkii ay 30-ka sano ku dhawaad hayeen iyo dimuqraadiyeenta Itoobiya oo uu haleeli waayo dhabbaheeda ugu saxan.

QOOMIYADDA OROMADA

Caqabadda kowaad ee uu Raisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed wajahayo ayaa ah sidii uu ku dejin lahaa Qoomiyadda Oromada ah ee uu isagu ka soo jeedo. Tan iyo markii uu talada la wareegay Oromada waxa ay sii xoojisay dagaaladii Qoymiga ahaa ee kala dhexeeyey Qoomiyadaha kale ee la dagan. Waxaa ugu daran oo maalinba maalinta ka dambeeysa sii xumaanaya dagaalada ay kula jiraan Soomaalida ilaa heer uu gaadhay in dadka labada dhinac ku noolaa u qaxaan meelaha ay dadkooda ku nool yihiin Oromada oo boqolkiiba in ka badan afartan (40%+) lagu qisaayo in ay ka yihiin dadka Itoobiya haddii ay sii wadaan dagaalada waxa ay hoos u dhigi kartaa kalsoonidii lagu qabay Raisul Wasaaraha taas oo dhabbaha u xaadhi karta la midkoo.

Marka hore waxaa si fudud marmarsiinyo uga dhigan kara Tigreega kuwaas oo ku doodi kara in uu xakameyn waayey dagaalada Qoomiga ah ee ka socda dalka, hormuudna ay ka yihiin Qoomiyadda uu isaga ka soo jeedo. Midda labaad waxa ay noqon kartaa in Soomaalida iyo Oromada inta uu dagaalkooda xoogeysto uu ku fido Qoomiyadaha kale sidaasna ay ku lunto kala dambeyntii dalka, tacaddiyo bandanna ay geystaan ciidamada Federal-ka ah oo ay dhici karto in ay la saftaan Oromada. Taas waxaa ka dhalan kara in Jabhadaha ay ku biiraan dagaalkaas oo ay xaaladdu xumaato.

TIKREEDA

Tigreeda oo soo haysay awoodda Itoobiya tan iyo markii uu dhacay xukunkii Derg-ga ee Mingisyu Hailamariam waxa ay ka yihiin dadka Itoobiya boqolkii lix (6.1%). Hase ahaatee, waxaa gacanta u galay mudaddii 30-ka sanno ku dhaweyd ee ay xukunka hayeen hubkii, ilihii dhaqaalaha Itoobiya iyo hay’adaha amaanka. Taas waxa ay muujineysaa in wali ay saameyn weyn ku leeyihiin talada dalka. Markii xisbiga EPRDF ee bah wadaagta ah balse Tigreeda ku awoodda badantahay ay u Abiy Ahmed u doorteen xilka Raisul Wasaaraha waxa uu qaaday dhabbihii ay filayeen mid ka duwan, markii hore ujeedka ay u doorteen waxa uu ahaa dejinta kacdoonkii Oromada ay wadayn oo loo maaro waayey isaguna noqdo maqaarsaar balse muddo kooban ayuu xilkii uga qaaday saraakiishii laamaha amaanka, la heshiiyey Eritrea isaga oo ogolaaday magaalo ay Tigreega dagaan oo ay ku muransanaayeen.

Taas iyaga oo ka duulaya, Tigreedu waxa ay ka faa’iideysan doonaan qaladaadka ka dhacaya Abiy Ahmed si ay fursad uga helaan riddidiisa. Waxaa taas dheer, haddii uu xal waara u heli waayo caqabadaha waa weyn ee loo adeegsan karo waxaa ku dhalan kara isbahaysi ay yeeshaan labada Qoomiyadood ee waligood talada soo hayn jiray (Abyssinian Stock) – Axmaarada iyo Tigreega.

Dimuraadiyeenta Itoobiya.

Itoobiya waa wadamada ugu adag in laga dhaqan galiyo dimuqraadiyadda oo ay sabab u tahay nidaamkii maamul ee inta ay jirtay lagu soo hagayey. Nidaamka ay hadda ku dhisan tahay Itoobiya, Federal Qoomiyad ku saleysan waa mid ka horimaanaya in si sahlan looga dhaqan galiyo dimuqradiyadda.

RW Abiy Ahmed haddii uu galo qaladaadka midka ugu yar inta uu ku guda jiro dimuqraadiyeenta Itoobiya waxaa tusbax furtay ku noqon doona caqabaddo badan oo ay ku adag tahay in uu maaro u leh. Marka hore, wax uu loolan adag kala kulmi doonaa is waafajinta jabhadihii hubeysaa ee uu dalka ku soo fasaxay si ay qeyb uga qaataan dowladnnimada dalka, ururaddii siyaasadda ee dibed joogga ahayd, siyaasiyiintii uu xabsiga ka sii daayey iyo waaqiga ka jira Itoobiya.

Dimuqraadiyadda waa mid ku timaadda biseyl, dulqaad una baahan in loo huro waxyaabo badan, waxa ay su’aal ka taagan tahay sidii xisbiga EPRDF oo markii hore ahaa jabhado isu tagay taladana hayey sodon sano ku dhawaad, jabhadihiii la dagaalamayey, ururada dibedda ka yimi iyo siyaasiyiinta uu xabsiga ka sii daayey sidii ugu heshiin lahaayeen dowladd ku timaadda rabitaanka shacabka oo leh muuqaal dimuqraadiyadeed.

Gunaanad, Raisul Wasaaraha Itoobiya Dr Abiy Ahmed, caqabadaha uu wajihi doono kuma koobna saddex qodob ee aan kor ku soo sharraxay, dabcan waxaa jiri doonaa kuwo kale oo uga furma mandiqadda Geeska Africa iyo siyaasadeheeda iska soo horjeeda (Geopolitics) sida xiisadda u dhexeysa Jibuuti iyo Eritrea, siyaasadda aan degeneyn ee Soomaaliya. Hase ahaatee, si uu uga dabbaasho dhammaan mushaakilaadkaas waxaa qasab ku ah in sida ugu dhaqsiyaha badan nabad uga dhexdhaliyo Oromada iyo Soomaalida dagaalu u dhexeeyo, qaado tallaabooyin siyaasadeed oo ka fiirsasho iyo dagaaan badan kuwii uu intii uu talada hayey ku dhaqaaqay, haddii ay taasi dhici weyso, dhibaatada ugu sahlan ee uu Itoobiya hoggaamintiisa uu goobjoogga u noqon doono waa in uu taladiisa ku waayo kuwii markii horeba kula qaldamay, waa sida ay iyagu qabaan, Tigreega saameynta ku leh xisbiga EPDRF.

W/Q: Mohamed Muse Aden (Mohamed Kaafi)