Dhegeyso:Wax badan oo la Ogeyn oo caawa wasiir shaaca ka qaaday oo kusaabsan Abiy Ahmed”wasiiro cabsi soo wajahday.

Wasiir katirsan maamulka kilinka shanaad ayaa goor dhow warbaahinta soomaalida usheegay in madaxweynihii hore maamulkaas ku xidhanyahay magaalada adis ababa sidda ay ku heleen xog dhameystiran.

Wasiirka ayaa sheegay in xarunta xisbigooda laga soo wacay magaalada adis ababa laguna wargeliyay in golaha wasiirada yimaadaan magaalada adis ababa balse wasiirka ayaa sheegay in arintaas kabiya diideen madama cabsi xoogan ka qabaan in dhamaantood la wada xidho sidda Cabdi Iley.

Wasiirkan ayaa raaciyay in Abiy Ahmed gadaal ka riixaayo mid kamid ah golaha wasiirada ee federaalka kana soo jeedo kilinka Soomaalida kasoo haatan si toos ah loogu wareejiyay awooda kilinka Soomaalida Itoobiya.

Wasiirkan ayaa intaa raaciyay in Abiy Ahmed wuu doonaayo shaqsi asaga oo wato isla markaa si toos ah u hoos tago waxaana lashaaciyay xogo aan hore loo ogeyn.