Axmed Shide Oo Awooda DDSI Gacanta Laga Saaray & Xil Culus Oo Loo Magacaabay.

Kadib Kulan ay ku lahaayeen Maalmahaan dambe Magaalada adis Ababa Xubnaha Xisbiga Dimoqradiga Ee Shacabka Soomaalida Itoobiya ayey ugu dambeyn Galabta doorteen Hogaamiye Cusub Oo Xisbigooda ah.

Xilkaasi waxaa hayey Sannado  fara badan Cabdi Maxamuud Cumar(Cabdi Iley) oo ahaa sidoo kale Madaxweynihii Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya isbuucii horena xilka iskaga tegay amma laga tuuray.

Waxaa Maanta loo igmaday Xilka Gudoomiyaha Xisbiga Dimoqradiga Ee Shacabka Soomaalida Itoobiya Axmed Shide oo ah Wasiirka Isgaadhsiinta iyo Warfaafinta Dalka Itoobiya.

Dad badan ayaa durba Shaki geliyey magacaabistaan sidda la sheegayna uu booska ugu fadhin doono R/wasaare Abiy Ahmed oo saaxiib dhaw yihiin.

Warkaan oo mar dhaw soo baxay ayaa macquul ah in Xiisad kale oo Siyaasadeed abuurto,iyadoo warar aan la hubin sheegayaan in Xubin JWXO katirsan Loo wado inuu Madaxweyne ka noqdo DDSI.

Jabhada ONLF ayaa maanta waxay iclaamisey inay ku dhawaaqeen 34 sanno kadib dagaalkii ay ku jirtay oo Nabad ay qaateen si iskood ah.