Erdogan Maraykanka wuu ka Qoomamayn doonaa daan-daansiga uu Turkiga ku hayo.

Madaxweynaha Turkiga Erdogan ayaa sheegay inaysan waxba u dhimi doonin wax uu ku tilmaamy isku dayga uu Maraykanku ku doonayo inuu ku curyaamiyo dhaqaalaha dalka Turkiga kadib maalin markii xukuumada Washington ay ku soo rogtay canshuur xad dhaaf ah biraha ay ka soo iibsan jirtey dalka Turkiga.

Labada dal ee xubnaha ka ah  gaashaanbuurta NATO ayaa isku maandhaafsan arrimo badan laga soo bilaabo danaha labada wadan ee  dalka Siiriya illaa iyo Turkiga oo doonaya in uu ka soo iibsado dalka Ruushka gantaalada S400.

Qiimaha Liiraha dalka Turkiga ayaa boqolkiiba soddon uu hoos ugu dhacay marka loo eego qiimaha Dollarka sanadkan, waxaana uu hoos ugu sii dhacay 18.5 kadib markii Jimcihii uu Trump ku dhowaaqay in uu labajibaarayo canshuurta biraha iyo aluminiyamta uu ka soo iibsado wadanka Turkiga.

Recep Tayyip Erdogan oo shalay meel fagaare ah kula hadlayay shacabka dalkiisa gobolka Waqooyi Bari ee Rize ayuu cod dheer ku yidhi:”Marayanku wuu ka qoomamayn doonaa daandaansiga uu Turkiga ku hayo.”

Erdogan ayaa  waxa uu ku eedeeyay Maraykanka inuu adduunka oo idil dagaal dhaqaale ku soo qaaday uuna dalalka caalamka madax furasho ugu haysto cunoqabataynta uu ku soo rogayo.

“Dollarka,Euros iyo Dahabka waxa ay lamid yihiin rasaas,bambaanooyin iyo gantaalo loo adeegsanayo dagaalka dhaqaale ee dalkeyga lagu soo qaaday,”ayuu sii raaciyay Erdogan.

Erdogan ayaa  ku celceliyay in wadankiisu uusan u jixinjixi doonin isku day walba oo Maraykanku la damacsan yahay isla markaana uu ka guuleysan doono.

Erdogan aya sheegay in xidhiidhka uu la leeyahay dalka Maraykanku uu halis ku jiro isagoo ka digey in dalkiisu uu raadsan doono wadamo kale uu isbahaysi la sameysto.

Waxana qudbadiisu uu ku soo hadal qaaday in ay jiraan dalal uu isbahaysi la sameysan karo sida Iran,Ruushka,Shiinaha iyo qaar ka mid ah dalalka qaarada Yurub uuna joojin doona isticmaalka Doolaarka Maraykanka taas oo dalka maraykanka ku noqon doonta dharbaaxo culus haddi ay Turkay joojiso istcmaalka Doolaarka.