Shirkadahii shidaalka oo shaqaalahooda kala baxay Dowlad Degaanka Soomaalida Itoobiya.

Sida uu qoray Wargeyska The Reporter ee ka soo baxa Magaalada Adis ababa ee xarunta dalka Itoobiya sharikadaha shidaalka ka helay dhulka Soomaalida Itoobiya ayaa billaabay in ay shaqaalahooda kala baxaan degaannadaas.

Waxaa uu Wargeysku sheegay in Shaqaalaha la geeyay Magaalada Adis ababa,iyada oo sababta lagu sheegay amniga gobolka oo ka sii daraya darteed.

Poly GCL Petroleum, oo ah sharikaddii shidaalka ka heshay dhulka Soomaalida Itoobiya ayaa todobaadkan biloowgiisii shaqaalaheeda diyaarado ugu daabushay magaalada Adis ababa.

Isha uu soo xigtay Wargeyska ayaa sheegtay in inta badan shaqaalaha laga saaray Gobolka ay yihiin kuwa u dhashay Dalka China.

Sharikadda Diyaaradaha Itoobiya ayaa joojisay duulloimaadyadii ay ku tagi jirtay Magaalada Jigjiga ee xarunta dowlad degaanka kaddib markii rabshado ay ka dhaceen todbaadkii hore.

Khubarrada iyo Injineerrada Shidaalka ayaa la geeyay degaannada Hilala, Calub iyo Warder ee gudaha Itoobiya halkaas oo uu mashruuc kale ka socdo.

Waxaana madaxda sharikadda sheegeen in shaqaalaha sharikadda ay dib ugu laaban doonaan Gobolka marka amniga ay wax iska beddelaan.

Sarkaal ka tirsan Sharikadda ayaa beeniyay in shaqaalahooda ay kala baxeen Gobolka laakiin waxa la sameeyay tahay shaqaale beddelid.

Sidoo kale Koang Tutlamm, oo ah wasiiru dowlaha Wasaaradda Macdanta,Batroolka iyo Kheyraadka Dabiiciga ah ee Itoobiya ayaa beeniyay warkaas.

Sharikadda laga leeyahay Dalka Chinayaa shidaal baarits Gobolka Soomaalida billowday sanadkii 2014kii,waxana shidaalkii ugu horreeyay ka heshay degaannada Hilaala iyo Dohar,halkaas oo shidaal tijaabo ah laga soo saaray Bishii June ee la soo dhaafay.

Sharikadda BGP Geoservices oo iyada qandaraaska siisay sharikadda shidaalka ka heshay dowlad  degaanka Soomaalida Itoobiya ayaa iyana shaqaalaheeda kala baxday Gobolka islamarkaana geysay Adis ababa.

Wargeyska The Reporter ayaa ogaaday in sharikado kale oo shidaal baaris ka sameeyay Gobolka ay kala yihiin; New Age, South West Energy iyo Delonex Energy,hayeeshee aysan hadda gobolka u joogin shaqaale rasmi ah.