Soomaalida DDS iyo Issasudhanta Stockholm.(Syndrom Stockholm)

 

Koox qowleysato ah ayaa 1973kii qafaalatay koox ka mid aheyd shaqaalaha bangi ku yaalla magaalada stokholm ee waddanka sweden oo la odhan jiray (kereditbanken) iyaga oo doonayay inay madaxfurasho ka qaataan mudda lix maalmood ah ayeyna shaqaalihii bangigu u qafaalnaayeen.

Isku dayadii boolisku ku doonayeen in la soo daayo shaqaalaha afduubka lagu haysto ayaa waxaa ka soo baxay in la haystayaashu la tacaadufayaan ama u hiilinayaan budhacaddii haysatay sidoo kale tacaadufkii la haystayaashu u muujinayeen budhcaddii afduubatay kuma ekaanin intii la haystay ee markii la soo samata bixiyay ka dibna si daacadnimo ka muuqato ayey u difaacayeen dadkii afduubka ku haystay !.

Dhacdadaasi waxay horseedday in la fahmo xanuun nafsaani ah oo ku dhaca dadka la cadaadiyo ama tacaddiyada loo geysto oo keena in dhibbanuhu la safto danbiilihii dhibay xanuunkaasna waxaa loo bixiyay isa sudhantii stokholm ( Syndrome Stockholm)sida badanna xanuunkaasi wuxuu ku dhacaa dadka xabsiyada lagu ciqaabo,dadka la qafaasho iyo haweenka raggoodu garaacaan.

Kacdoonkii guuleystay ee ka dhanka ahaa maamulkii cabdi iley wuxuu muujiyay in xanuunkaasi ( syndrome stokholm) uu aad ugu baahsanyahay soomaalida DDSI waxaana la arkay dad la tacaadufaya ama difaacaya maamulkii cabdi iley ee dhib mooyee ayna waligood dheef ka arag! Waxaa baraha xidhiidhka bulshada lagu arkayay dad xanuunkaas la il daran oo xataa inkiraya tacaddiyadii loo geystay ubadkoodii ay dhaleen ama dadaal ku bixinaya inay aamusiiyaan cid walba oo ka dhawaaqday dulmigii baahsanaa ee dadka loo geystay .

Waxaa la arkay waalid ilmihiisii aflagaaddo warbaahinta u marinaya oo cay iyo habaarba isugu daraya isaga oo og inuuna wax dhib ah cidna u geysanin waxa uu ka cabanayana uu sax yahay! Ilaa haddana waxaa la arkayaa dad wali cabdi iley difaacaya xataa haddii ay awooddii ka wareegtay oo cabsidii laga qabay meesha ka baxday!.

Xanuunkaas baahsan ee gaadhsiisan in qofku gar iyo dow u arko in la dulmiyo laguna xad gudbo in dulmiga la diidana uu u arkayo ka badbadin dhibaatada sii kordhineysa wuxuu inooga baahanyahay dadaal xoog badan oo ummadda lagaga dabiibo laguna baro inay xaq iyo waajibba tahay in dulmiga iyo aabiga la diido la isuna garabsado sidii la isaga qaadi lahaa haddii uu dhoco haddii kalena la isu kaashado sidii aanu uba dhici laheyn .

Dadkeennu waa inay ogaadaan inaan dhibku ku yaraanin in dhabarka loo godo dulmigana aan lagaaga deyneyn inaad qaayibto’ xuquuqda kaa maqanna aamus iyo gabbsho laguma helo ee xaqaaga waa la dhacsadaa wixii dhib kaa soo gaadhayana waa loo badheedhaa’ dhibka dhacsashada xaqaaga kaa soo gaadhaya ayaana mar walba ka yar midka aamuska iyo dhabargodidda kaa soo gaadhaya arrintaasna waxaa maanta makhraati muuqda u ah kacdoonkii dulmiga lagu diiddanaa ee cabdi iley talada lagaga wareejiyay .

W/Q Sh. Hassan Mohamed Ibrahim