Jabhadda hubaysan oo Somaliland laga aas aasay iyo saameynta ay yeelan karto degmada.

 Tan iyo markii uu Korneel Caarre ku dhawaaqay Jabhadda cusub ee uu ka dhisay Somaliland gudeheeda waxaa isa soo taraya cabsida laga qabo in uu halkaas ka qarxo dagaal saameyn ku yeesha mandiqadda Gees-ka Africa.

Korneel Caarre oo ka soo jeeda beesha Garxajis, gaar ahaan Habar Yoonis oo in muddo ahna ay siyaasadda isku hayeen madaxweynaha Madaxweynaha Somailand Muse Biixi Cabdi ayaa ku cel celiyey sidda ay uga go’an tahay la dagaalanka waxa uu ugu yeedhay “Jeegaanta”.

Hadaba, saameyn intee le’eg ayey yeelan kartaa Jabhadda Caarre iyo dhaq dhaqaaqyada ciidan ee ka jira goboladda waqooyi ee Soomaaliya?

Tukaraq

Waxaa Tukaraq isku horfadhiya ciidamo kala taabacsan Maamulada Hargeysa iyo Garowe kuwas oo isku haya gacan ku haynta goboladda lagu muransan yahay ee Sool, Sanaag iyo magaalada Buuhoodle.

Dagaaladaas waxa ay wiiqeen awooddii Puntland oo intii ay ku mashquulsanaayeen Tukaraq ay dhawr jeer weeraro guuleystay ku soo qaadeen dagaalyanada Daacish eek u jira buuraha galgala.

Sidoo kale, waxa Iyana sii diciifeysa awooddii ciidan ee Somaliland maadama ay ciidankeedu oo dhan joogaan jiidda dagaalka ee Tukaraq.

Tukaraq oo aan xal loo helin, waxaa ay keeni kartaa in dagaalyahanada Al Shabab iyo kuwa Daacish ay si fudud ugu baahaan goboladda Puntland.

Dhinaca Somaliland gaar ahaan magaalooyinka Burco iyo Berbera waxaa ka jira dhaq dhaqaaqyo ay wadaan kooxaha xag-jir ah oo aan muuqan balse sidda ay ka war qabaan khuburada iyo dadka deegaanka in muddo ahba wey ku xoogeysanayeen kooxahaas goboladda Somaliland.

Haddii Jabhadda cusub ee Kornel Caarre ay sii waddo dhaq dhaqaaqyada ciidan waxaa halkaas ka bixi doona awooddii maamul ee Somaliland taas oo fursad u siin doonta kooxaha argagixisada ah in ay buuxiyaan awoodda banaanaatay (The Vacuum).

Waxaa iyada meesha aan ka marneyn collaada Puntland iyo Somaliland oo mar wala qarxi karta, marka lagu daro Jabhadda Somaliland ka aas aasantay, Daacish iyo Shabaab oo dhaq dhaqaaqyadooda xoojiyey waxaa muuqata haddii aan il gaar ah loo yeelan in degenaanshaha mandiqadda Geeska Africa ceel ay adag tahay in laga soo saaro ku dhici doono.

Waxaa tusaale weyn u ah qarixii is miidaanta ahaa ee Buuhoodle lagula beegtay siyaasiyiin reer Khaatumo ah iyo dhawrka mar ee ay gacanta Al Shabab gashay deegaanka Af Urur ee aan Bosaso  ka fogeyn.