Maamulka DDSI: Guddoomiyaha Baarlamaanka, Wasiiro iyo Masuuliyiin kale oo la wada casilay.

Sidda ay xaqiijiyeen ilo ku sugan Magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, waxaa dhamaan la wada iscasilay inta badan Mas’uuliyiintii maamulka dowlad degaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya.

Wasiiro, Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Rashiid Isaaq, Gudoomiyaha Golaha dhexe Khadar Ismaaciil ayaa la xaqiijiyay in  si rasmi ah ugu wada dhawaaqeen in ay Iscasilaadooda.

Mas’uuliyiintaan ayaa la sheegay in ay ku dhaceen qiimayn lagu sameeyey falalkii ugu dambeeyay ee ka socday dowlad degaanka iyo Tilaabada uu qaaday Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya.

In kasto xaalada dawlad deganka Soomaali  Itoobiya soo hagaagayso hadana Waxaa wali xal buuxa laga gaadhin qalalaasaha ka taagan Magaalada Jigjiga iyo Magaalooyinka kale ee dowlad degaanka.

Horay waxaa xilka looga tuuray Madaxweyne Cabdi Maxamuud CumarCabdi Iley, waxaana la doortay Axmed Cabdi Maxamed oo la sheegay in ay saaxiib dhow yihiin Cabdi Maxamuud Cumar (Cabdi Iley)