Shirkada DP World oo damaceega banaanka soo dhigtay iyo qorshooyinkeeda mustaqbalka dhow ee Soomaalia.

Shirkada DP World ee laga leeyahay dalka isutaga Imaaraadka carabta ayaa sheegtay in mustaqbalka dhow ay hanan doonto dhammaan dekadaha Soomaalia kuwa gacanteeda ku jira iyo kuwa aan wali gacanta ugu jirin.

Shirkada ayaa tilmaantay inay muhiim u tahay in sharciyadeeda laga hirgaliyo dekadaha si ay u hantiso dhammaan dekadaha Africa, gaar ahaan kuwa Soomaalia iyo geeska.

Agaasimaha Shirkadda DP World Suldaan Ahmed Bin Suleymaan oo la hadlaayay warbaahinta maxaliga ayaa sheegay inuu wali jiro muran kala dhexeeya dowlada Soomaalia, hase yeeshee ay mar waliba ka go’an tahay inay hantiyaan Dekadaha ugu muhiimsan ee Soomaalia.

Waxa uu Mr Suldaan Ahmed Bin Suleymaan carab dhabay in qorshahooda uu ku xedhan yahay keliya wadahadal dhexmara Soomaalia iyo Imaaraadka, waxa uuna meesha ka saaray in Heshiisyada lagu galay maalgashiga Dekadaha Soomaalia ay ka madhan yihiin.

Suldaan Ahmed Bin Suleymaan, waxa uu tilmaamay in Heshiisyada Soomaalia iyo Ethiopia ee arrimaha maalgashiga Dekadaha ay qeyb ka yihiin hase yeeshee ay muhiim tahay in loo aqoon sado dadaalada ay kawado Soomaalia.

“Mustaqbalka dhow wey naga go’an tahay inaanu soo gacan galino maamulka Dekadaha Soomaalia, waayo waa dhif dal ama Shirkad xiligan Soomaalia ka caawin karta arrimaha Dekadaha”

Suldaan Ahmed Bin Suleymaan, waxa uu tilmaamay in Soomaalia qudheeda ay garwaaqsan tahay in Shirkada DP World ay ku wanaagsan tahay arrimaha Dekadaha, balse uu jiro khilaafyo mugdi galiyay awooda shirkada ee dhanka Soomaalia.

Waxa uu agaasimuhu carab dhabay in xal waara ay u heli doonaan khilaafka iyo tabashooyinka Soomaalia, iyadoo laga duuli doono baahida taagan ee dhinacyada Dekadaha iyo maalgashigooda.

Sidoo kale, Suldaan Ahmed Bin Suleymaan waxa uu shaki galiyay in Ethiopia ay si buuxda isku waafajin karto Heshiiskaiyo howlaha Dekadaha, isla markaana ay u muuqan doonto in DP World loo madaxbaneen doono fursada.

Haddalka Agaasimaha DP World ayaa kusoo beegmaaya xili uu shirkada ka dhamaaday Heshiiska dib loogu dayactiraayay Dekadda Berbera.