FAAHFAAHIN: Shirkii Qiimeynta Golaha Dhaxe XDSHSI & Xubno Laga Saaray Gudiga Fulinta & Golaha Dhaxe XDSHSI.

 

Waxaa magaalada Addis ababa ka socda Shirkii Qiimeyn lagu samaynayay Gudiga Fulinta DDSI iyo Golaha dhaxe Ee Xisbiga Dimuqraadiga Shacabka Soomaali Itoobiya waxaana shirkaasi daahfuray Gudoomiyaha  Xisbiga Dimuqraadiga Shacabka Soomaali Itoobiya Mudane Ahmed Shide iyo Madaxweynaha Dowlad-deegaanka Somalida ee Itoobiya, Mudae Ahmed Abdi Mohamed oo ah Gudoomiye Kuxigeenka Xisbiga Dimuqraadiga Shacabka Soomaali Itoobiya.

Qiimayntan ayaa waxaa lagu qiimeeyay xubno ka tirsan golaha dhaxe ee Xisbiga Dimuqraadiga Shacabka Soomaali Itoobiya. shanta xubnood ayaa lagu eedeeyay in aysan ka soo bixin howlihii shaqo ee loo’igmaday kuwaas oo kala ah;

  • 1 Ibraahim Mubaarak Maayarka Jigjiga,
  • 2 Farxaan Abdi Maajuun Gudoomiyaha Gobolka Afdheer,
  •  3 Ibrahim Adan Mahad (ibrahim Sacab) Wasiirka Waxbarashada,
  • 4 Ibraahim Maxamed Hogaanka nabadgalyada Maamulka Magaalada Diredawa, 
  • 5 Suubane Madaxa Arrimaha Xisbiga Dimuqraadiga Shacabka Soomaali Itoobiya Laanta Dire Dawa.

    Waxa kaloo Qiimeyn lagu Sameeyay Xubno ka tirsan Gudiga Fulinta DDSI oo shan xunood laga Saaray Gudiga Fulinta;

  • .1 Madaxweynihii Hore DDSI  Abdi Maxamuud CumarCabdi Iley,
  •  2 Abdi Jamaal Qalombi, 
  • 3 Khadar Abdi Ismaaciil, 
  • 4 Maxamed Rashiid Isxaaq, 
  • 5 Naasir  Xasan Axmed (ninkii reer Biki dhibta ku hayn jiry)

    Ugu Dambeyntii, Shirkan Qiimeynta ayaa sii socon doona waxaan idin soo gudbin doonaa xubnaha cusub ee buuxin doona Gplaha dhaxe iyo gudiga Fulinta dowlad deegaanka Somalida Itoobiya