Daawo Sawiradda: Warbixin ku saabsan Dhar Cusub oo Saaka loo xidhay Kacbada barakeysan.

 

Sidii caadadda ahayd dhar cusub ayaa saaka loo xidhay Kacbada barakeysan ee Maka Almukarama kadib salaadii subax, iyadoo sannad kasta Daah cusub lagu xidho kacbada maalinta 9-aad ee Bisha Dulxaj.

Waxaa howsha dharka cusub ee loo xidhay kacbada ka qeyb qaatay shaqaale gaadhaaya 200 oo qof oo isugu jira injineero iyo farsamayaqaan, waxaana dharka Kacbada ku xidhan ay leeyihiin naqshada gaadha iyo farsamo heer sare ah oo gudaha Sacuudiga lagu qaabeeyo.

Howlgalka dhar bedelista Kacbada sharafta leh waxaa hoggaamineyay guddoomiyaha Hay’adda adeegga labada Masjid ee Xaramka Sheekh C/raxmaan Bin C/casiis Assudeys, waxaana dharka Kacbada ka kooban yahay 16 qeybood oo isku xidhan iyo 12 kale oo hoos uga xidhan, ayna u dheer tahay qoraallo lagu xardhay oo Dahabi ah.

Dharka Kacbada ayaa waxaa ku jira 670 Kg oo ah Xariir saafi ah, 120 Kg oo Dahab ah oo fiilo ahaan ku xardhan 100 kg oo Qalin ah, iyadoo dhererka dharkuna gaadhayo 16 Mitir.

Ereyada lagu xardhay Kacbada barakeysan waxaa ka mida:
(يا الله يا الله ) ( لا إله إلا الله محمد رسول الله ) / (سبحان الله وبحمده ) / ( سبحان الله العظيم ) / ( يا ديان يا منان)