Warbixin ku saabsan Labada wadaad ee sababta u ah isku dhaca Turkiga iyo Mareykanka.

Waxaa sii xoogeysanaya is-maandhaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya dowladaha Turkiga iyo Maraykanka, waxayna arrimaha salka ku hayaan labo wadaad oo midna masiixi yahay, midna muslim suufi ah yahay oo dal waliba uu doonayo in midka kale loo gacan geliyo.

Sheekh Fatxulaah Gulen waa wadaad caan ah oo leh taageero xoog badan

                   Fatxullaah Gulen,

Madaxweyne Erdogan iyo dowladda Turkigaba waxa ay Maraykanka ka dalabayaan inay kusoo wareejiyaan wadaad lagu magacaabo Fatxullaah Gulen oo ku nool gobolka Pennsylvania ee dalka Maraykanka. Waxaa wadaadkan lagu eedeeyay in uu ahaa maskaxdii ka dambeysay afgambigii dhicisoobay ee Turkiga ka dhacay.

Erdogan oo maqaal ku qorey wargeyska New York Time ayaa yidhi “Maraykanka waxaa ay ku guuldareysteen in ay fahmaan waxaa ay qabaan dadka reer Turkiga, illaa inta Maraykanka ka fahmayaan muhiimadda ay leedahay in ay xushmeeyaan qaranimadeena, ilaa inta taas dhacayso iskaashigeena mugdi ayuu ku jiraa”.

Waxaa kale oo uu Erdogan Maraykanka ku eedeeyaa in aysan cambaareynin isku daygii afgembiga Turkiga ee sannadkii 2016-kii. Maraykanka waa uu diiday in uu wareejiyo Gulen.

Waxaa cad inuusan marnaba Mareykanku ogolaan karin inuu Turkiga u gacan geliyo Wadaadka Gulem ee ay doonayaan, taasoo sharci adag ka yaallo dalkaasi, taasina waxay ahayd sababta kicisay dareenka Erdogan iyo dowladiisa iyo xidhiidhka heerkii ugu xumaa maraya ee labada dal, halka Turkigu u arko in dalka Mareykanka laga soo abaabulay inqilaabkii dhicisoobay ee dalkaasi.

Andrew Brunson waa baadari muddo ku sugnaa dalka Turkiga oo loo heysto taagearada PKK iyo kooxda Gulen

                      Andrew Brunson,

Ninkan waa baadari ka tirsan diinta masixiiga, waxaa uu hoggaaminayay kaniisad ku taala magaalada Irsim ee dalka Turkiga. Labo sanno iyo dheeraad ayuu ku xidhnaa Turkiga, waxaana lagu eedeeyay in uu taageero siiyay kooxo Turkiga uu u aqoonsanyahay argagixiso sidda PKK oo ah kooxda Kurdiyiinta Turkiga.

Arrinka micnaha samaynaya ayaa ah in mad-habta uu ka tirsanyahay baadariga ee ah Prostestan-ka ay yihiin dadkii aadka u taageeray madaxweyne Donald Trump, waxayna hadda xerta kaniisadan Trump ku cadaadinayaan in uu soo daayo Mr Brunson.

Trump oo fariin kusoo qorey boggiisa Twitter-ka ayaa sheegay in Bruson “afduub loogu heysto Turkiga, tahayna in la siidaayo”.

Hadda waxaa uu ku jiraa xabsi guri, dowladda Turkigana waxaa ay diidday dalab kasta oo ah in ay ku siidayso, waxayna qabtaa in nidaamkeeda garsoorka uu go’aan ka gaadho sidda laga yeelayo ninkan.

Dowladda Maraykanka oo taas ka cadhootay ayaa cunaqabatayn kusoo rogtay Turkiga, waxana canshuuro dheeraad ah la saaray birta iyo naxaasta Turkiga ee loo dhoofiyo Maraykanka.

Labadan nin oo kaliya ma ahan waxaa ay isku hayaan labadan dal, waxaase jira arrimo kale oo dhawr ah. Waxaa ka mid ah taageerada uu Maraykanka siiyo kooxaha Kurdiyiinta ee ka dagaalama Suuriya.

Inkasta oo ay ka wada tirsanyihiin gaashaanbuurta NATO, haddana sanooyinkii dhawaa si wanaagsan uma aysan wada jaanqaadin.

Isu dhawaanshaha Turkiga iyo Iran ayaa kasii cadhaysiiyay Maraykanka, waxaana jirta in wasaaradda maaliyadda Maraykanka ay u yeedhay bangi weyn oo laga leeyahay Turkiga oo lagu magacaabo Halkbank, kaas oo loo heysto eedeymo la xidhiidha in uu macaamil ganacsi la sameeyay Iran si khilaafsan cunaqabataynta dhaqaale ee dalkaas lagu soo rogey.