Dalkii Islamka ahaa ee Masar oo maanta Siddan Looga Ciiday(Sawirro)

Dalka Masar Oo Si Aan Horay Loo Arag Looga Dukaday Salaadda Ciidda.

Tv-yada Caalamka ayaa Maanta siweyn waxa ay uga hadlayaan qaabka maanta Salaadii Ciidda looga tukaday dalka Masar,taas oo noqotay dhacdo layaab ah oo aan wali ka dhicin dunida Muslimka.

Fagaaro ku yaalla Magalada Qaahira ee dalka Masar ayaa Maanta waxaa hal goob mar qudha ku wada dukaday Rag iyo Dumar kala Ajnabi ah,iyada oo aan la kala saarin.

Dhaqanka iyo Diinta Islaamka ayaa mamnuucaya in ay is dhex galaan Ragga iyo Dumarka is kaddaa in ay wada dukadaan Salaadaha Faralka Ama Sunada ah.

Dhacdadaan ayaa amakaag iyo fajac  waxaa ay ku noqotay dadka muslimiinta ah,sidoo kalana talafashinada dalkaas ayaa baahiyay muuqaallo iyo sawirro rag iyo dumar wada dukanaya.

Waa arrin ay si badheedh ah ama ula kac ah ay uga dan leedahay dawlada ka dhisan dalka Masar oo ah talis taladda dalka xoog ku boobay.

L’image contient peut-être : 2 personnes, personnes debout, foule et plein air

L’image contient peut-être : 3 personnes, personnes debout, foule et plein air

L’image contient peut-être : une personne ou plus et personnes debout