SAWIRRO: Iiraan oo soo bandhigtay Diyaarad Dagaal oo ay iyaduu Farsamaysay.

Dowladda Iiran ayaa soo bandhigtay diyaraadii dagaal ee ugu horeysay oo ay iyadu sameysatay, taasoo ah diyaarad dagaal oo jet ah, waxaana daah furay Madaxweynaha dalkaasi Hassan Rohani.

Diyaaradan ayuu sheegay madaxweynaha Iiraan inay caddeyn u tahay sidda ay isugu tashatay ummadda reer Iiraan, isla markaana ya farriin u tahay caddowga Iiraan sida uu yidhi, wuxuuna caddeeyay in Iiraan ay iska difaaceyso caddow kasta oo dibadda kasoo weerara.

Muuqaallada diyaaradda dagaal ee Iiran sameysatay ayaa muujnaya, dirayaad dagaal oo casri ah, taasoo ay kaxeyn karaan laba duuliye, waxaana kursiga hore lagu sawiray madaweyne Rohani oo fadhiya kursiga laga duuliyo diyaaradda loogu magac daray Kowsar.

Diyaaradan ayaa waxay dowlada sheegtay in ay si degdeg ah kaga jawaabi karto weerarada waxayna ku tilmaantay mid casri ah oo tiknolojiyad sare ku howlgaleysa.

                          HOOS KA DAAWO