Taliyihii hore ee waaxda Sirdoonka Ethiopia oo la sheegi in uu baxsaday.

Taliyihii hore ee waaxda sirdoonka dawlada Ethiopia Getachow Assefa ayaa ra raadinayaa, Asefa oo ah ninkii xasuuqui ugu badnaa ka gaystay dawlad deganaka Soomaalida oo  la tuhunsan yahay inuu dalka Suudaan ku dhuumaalaysanayo.

 

Mudadii uu ninkani hogaamiyaha sirdoonka  Ethiopia ahaa waxaa dhacay xadgudubyadii ugu badnaa ee guud ahaan shucuubta dalka Ethiopia ku dhaqan  loo gaystay, waxaa xasuuq aan aaboyeel lahayn & tacadiyo xuquuqul aadamaha ka dhan ah si gaar ah loogula kacay shacabka Soomaalida iyaduu loo soo marayey Cabdi Iley oo 10kii sanno ee u dambeeyay dhibaatooyin xoogan ay ku hayey ummadda Soomaaliyeed ee Kililka.

Ina Iley ayaa maalmihiisii ugu dambeeyay ku cataaqay in dhiibaatooyinka Kililka ka dhacay Getachow ku amarayay, hadaba xukuumada cusub ee Abiy Axmed ayaa laga soo xigtay xogta sheegaysa in Getachow la raadinayo si sharciga loo hor keeno.

Dhica kale hay’ada Human Rights watch ayaa soo saartay warbixin cusub oo ay kaga hadashay tacadiyadii shucuubta dalka Ethiopia loo gaystay guud ahaan gaar ahaan wixii dhulka Soomaalida Ethiopia ka dhacay oo indhaha caalamka laga qariyay, HRW waxay Ethiopia ka dalbataya in si dhab ah loo baadho xadgudubyadii kililka ka dhacay dadkii gaystayna sharciga la hor keeno oo Cabdi Iley ugu Horeeyo.

Sikastaba ha ahaatee cid kasta oo gaysatay ama ka qayb qaadatay xasuuqa baahsan ee dadka masaakiinta ah kula kacay waa in sharciga la hor keeno, dulmigu ma waaro xaqa ayaana guusha ugu dambaysa leh.