Firxadkii qaar ka mid ah Wasiiraddi Cabdi Iley oo magaalada Hargeysa lagu qabtay.

Ciidammada ammaanka ee Jamhuuriyadda Iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanida ee Somaliland ayaa gegeeda diyaaradaha ee magaalada Hargeysa ka qabtay labo wasiir oo ka tirsanaa xukuumaddii Cabdi Maxamuud Cumar, Sida uu war baahinta u xaqiijiyay sarkaal ka tirsan wasaaradda Arrimaha Gudaha.

Labadan wasiir ayaa kala ah wasiirkii hore ee waxbarashada;

Ibraahim Aadan Mahad oo ku magac dheer Ibraahim Sacab,

iyo wasiirkii caddaaladda Cabdi Jamaal Axmed Qaloonbi.

Sarkaalkaas ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee maamulka Somaliland ayaa sheegay in labada wasiir loo haysto in ay si dhuumasho ah ku soo galeen iyaga oon dal ku gal wadanin, isla markaasna ay rabeen in ay garoonka magaalada Hargeysa ugu duulaan si dhuumasho ah.

Faahfaahin intaas ka baxsan ma aysan bixinin, balse war baahinta madaxa banaan ayaa ogaatay in ay kusii jeedaan magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Hargeysa