Madaxweyne ku xiggen cusub ahna madaxweynaha ku meel gaadhka ah ee Soomaali State oo lagu soo dhoweeyey Jigjiga (Daawo Sawirro)

Madaxweyne ku xiggen cusub ee dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya Mustafa Muxumed Cumar (Cagjar) iyo wafdi uu hogaaminayo oo ka soo kicitamay magaalada Addis Ababa ayaa maanta gaadhay magaalada Jigjiga, halkaasoo si weyn loogu soo dhaweeyay.

Shacab fara badan iyo masuuliyiin ayaa kaga hortagay Madaxweyne ku xiggeen ahne madaxweynaha ku meel gaadhka garoonka dayuuradaha magaalada Jigjiga, Waxaana amniga Madaxweyne ku xiggen sugayey ciidamada milateriga federaalka Itoobiya.

Ciidamadii Liyuu boolis ee taabacsanaa maamulkii hore ayaa lagala wareegay amaanka madaxtooyada Jigjiga, iyadoo lagu bedelay ciidamo milateri ah.

Dhinaca kale, Baarlamaanka maamulka dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya ayaa ansixiyey Madaxweyne ku xiggeen  cusub ee Soomaali State Mustafa Muxumed Cumar (Cagjar), kadib kulan gelinkii dambe ee maanta ay ku yeesheen magaalada Jigjiga.

Baarlamaanka ayaa sidoo kale kulankooda waxa ay ku ansixiyeen in xisbiga laga saaro 7 xubnood oo ka mid ahaa guddiga fulinta iyo golaha dhexe.

Sidoo kale, Baarlamaanka dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya ayaa waxa ay sheegeen in Madaxweyne Mustafa uu yahay xubin sare oo ka mid noqonaya xisbiga talada haya ee EPDRF oo ah kan haya talada Itoobiya.