Tv-ka Itoobiya Oo Baahiyey Maanta Cabdi Ilay Oo Maxbuus Ah Iyo Dareenka Wajigiisa laga dheehan karay.

Telefishanka Dawladda Federaalka Itoobiya ee EBC ayaa maanta baahiyey Muuqaalka Madaxweynihii hore ee Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar (Ilay) oo Maxbuus Ah, isla markaana ay ilaalo askar ahi hareeraha ka socdaan mar ay ay gaadhi ka saraayeen goobtii uu ka deganaa magaalada Addis Ababa.
Madaxweynihii hore ayaa wajigiisa laga dheehan karaa sidda uu dareenkiisu ahaa isaga oo u muuqday nin daallan oo  werwer iyo wal bahaar culus ka muuqdaan wajigiisa.
siddoo kale muuqaalka telefishanku baahiyey ayaa muujinaya hub qoryo iyo baastoolado ah oo ay boolisku soo ban dhigeen taas oo noqon doonta dambi kale oo shrci daro ah.

Guri uu ka deganaa magaalada Addis Ababa meel u dhow Hotel Atlas ayay ciidamada federaalku ka kaxeeyeen Cabdi Maxamuud Cumar, madaxweynihii hore ee dowlad deegaanka, kaas oo muddo bil ku dhow ku jiray xabsi guri.

Halkan Ka Daawo Muuqaalka Telefishanka: