Human Rights Watch oo soo Dhaweysay in Xabsi loo taxaabay Cabdi Iley.

Iyada oo shalay ciidamada Booliska Itoobiya ay xabsiga u taxaabeen Madaxweynihii ahanaa gacan ku dhiiglihii hore ee dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar (Cabdi Iley)ayaa Hay’adda Human Rights Watch qoraal ay soo saartay waxa ay ku taageertay xadhiga masuulkan dambiilaha ah.

Warbixin ka kooban 88 bog islamarkana ay soo saartay hay’adda u dooda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch bishii July ee sannadkan ayaa ku tacadiyo kala duwan ku eedeysay Cabdi Maxamuud, Saraakiisha Itoobiya iyo Booliska degaanka ee loo yaqaano Liyuu ay ka geysteen Jeel ogaadeeniya.

Dowladda Federaalka Itoobiya ayay HRW ugu baaqday in la soo xidho xubno ay sheegtay Madaxweynihii hore ee DDSI inay kala shaqeynayeen abaabulka ka dhanka ahaa xuquuqda aadanaha, islamarkaana la horgeeyo sharciga.

Abiy Ahmed Ali, Raii’sul Wasaaraha cusub ee dalka Itoobiya ayaa qiray in masuuliyiintii hore ee DDSI iyo ciidamada ay jirdil u gaysteen dad rayid ah, midaasina lagula xisaabtamayo, cadaaladana loo horkeeni doono.

Marka laga soo tago baaqa Human Rights Watch waxaa kaloo jira baaqyo kale oo ay jeedinayaan masuuliyiin iyo dadka u dooda xuquuqda aadanaha, kuwaasi oo ku qotoma in dambigii ay galeen ciqaabtiisa la marsiiyo Cabdi Maxamuud iyo xubnihii kala shaqeynayay dhibaateynta rayidka.