Maxaa ka run ah warbixintii foosha xumeyd ee laga SOOMAALIDA qurbaha?

 
Warbixin ka ay daabacday Bloomberg oo looga hadlay waxtarka muhaajiriinta Maraykan  tago ayaa lagu sheegay in Kiinyaanku yihiin dadka saddexaad ee ugu shaqada iyo waxtarka badan soogalootiga Maraykanka. Gaana oo Afrika ah ayaa qaadatay kaalinta koowaad waxaan labo noqday Bulgeeriya oo Yurub ah. Waxaa sidoo kale toban hore soo galay dalalka Itoobiya oo afar gashay, Masar oo shan gashay, Nayjeeriya oo siddeed gashay iyo Laybeeriya oo sagaal gashay. Toban qowmiyadood ee ugu shaqada badan muhaajiriinta ku nool Maraykanka lix ayaa kasoo jeedda Afrika.

Waxaan tobanka hore soo galin Soomaalida. Sidoo kale soomaalidu safka hore oogama jirto muhaajiriinta ugu aqoonta badan. Afrika Masar iyo Natjeeriya ayaa kaga jiro tobanka hore xagga aqoonta. Marka walba oo lasoo hadal qaado Soomaali waxaa lagu xariiriyaa, faqri, burcadnimo, aqoon la’aan, argagixisonimo iyo shaqo la’aan baahsan. Warbixin laga soo saaray waddamada Galbeed oo sawir quruxsan ka bixiso Soomaalida in la helo ma dhacdo.

Bishii lixaad ee sanadkaan ayay ahayd marki cilmibaaris waqti socotay oo lagu sameeyay London lagu soo gababeeyay in Soomaalidu tahay hurmuudka burcadda gaysato danbiyada ugu badan ee dhaca London. Warbixin kale oo la daabacay 2017’ki ayaa lagu sheegay in Soomaalida ku nool Ingririiska 65% shaqo la’aan yihiin tasoo ka dhigan in 65% cayr ku noolyihiin. Xagga waxbarashada lama sheego war ku farax galiyo.

Maxaa ka run ah sheekooyinkaan laga qoro Soomaalida? Haddii ay jiraan maxaa ugu wacan?

Waa jirtaa in badan oo ka mid ah waxa laga qoray Soomalida sida shaqo la’aanta iyo in caruurta soomaaliyeed ay ka hooseeyaan qowmiyadaha kale xagga waxbarashada. Laakiin taasu maahan mid ay ku ceebaysantahay Soomaalidu waxayna leedahay cudurdaar muuqdo. Soomaalida Galbeedka ku nool xooggeedu wuxuu yimid wixii ka danbeeyay bururki dalka. Waxay ahaayeen dad soo qaxay oo naftooda lasoo baxsaday oo habqan ah. Waxaa yimid caruur iyo dumar iyo qoyays kala maqan.

Markii ay yimaadeen, howsha ugu badan oo u taallay waxay ahayd in ay dagaan, la midoobaan qoyskoodi inta maqan iyo gacan qabashada intii ay kasoo tageen. Dadka sidaas ku yimid ayaa la garab dhigaa qowmiyadaha Hindida, Kiinyaanka iyo Shiinayska ah. Kuwa danbe ee an sheegnay waxaa kasoo dhoofo dad dhalin yaro ah, waxsoo bartay una soo dhoofay shaqo iyo aqoon kororsi. Marki ay yimaadaa waxa u yaallo waa un shaqo raadin iyo horumar halka Soomaalidu dagidda iyo caruur u dacwoosho ay ka qaadato sanado badan.

Sidoo kale qowmiyadaha kale ee la garab dhigo Soomalaida waa kuwo halkaan joogay in ka badan 100 sano oo xaaladda aan maanta marayno soo maray una gudbay mid xasilloon oo ay ku hormari kataan. Tusaale, Hindida waxaa waddaankaan la keenay wayadii guumaysiga. Waxaa loo soo qaatay inay ka shaqeeyaan dhismooyinka dalku u baahnaa. Ilaa waqtigaas waxay ku jiraan horumar tartiib-tartiib u socday oo gaarsiiyay halka ay maanta joogaan.

Waxaa kaloo jiro kala duwanaansho xagga aragtida ah kuna saabsan shaqada iyo tabaca. Dadka Kiinyaan ah ee lagu sheegay inay yihiin ugu wax soo saarka badan soogalootiga Maraykanka waxay u badan yihiin dhaqaatiir iyo Inginneerro iyagoo aqoon leh ka yimid Kiinya. Wax soosaarka la sheegayo waa adeegga ay u qabtaan dadka Maraykanka iyo canshuurta badan ee laga qaado. Labadaan arrimoodba waa kuwo muhiim u ah dowladda martida loo yahay.

Laakiin Soomaliga taraaglaha ah ee qaato labo jibbaar inta uu qaato dhaqtarka, Maraykanka wuxuu ugu jiraa mid aan waxso saar badan lahayn. Sababta ayaa ah inuusan bixin canshuurti saxda ahayd maadaama waxa soo galo aysan u cayinnayn dowladda sidaasna xisaab badan dhexda looga saaro. Soomaalida iyo in badan oo muslimiinta ka mid ah dantooda ayay eegtaan oo ah sideey lacag badan ku samayn lahaayeen iyagoon wax badan ku celin dowladda lagana yaabo inayba dowladda wax dheeri usii doontaa. Taasi waa sababta ugu badan ee soomaalidu wada taksiile u tahay.

Dadka ree Maraykan shaqada ugu hoosayso waxay u yaqaannaan taksi, laakiin Soomaalidu waxay ugu jirtaa shaqooyinka ugu fiican. Waxaa kala duwan meelaha laga eegayo. Soomaaligu wuxuu ka eegayaa imisaa kusoo gashay iyo imisaa meel dhigatay. Caddaanka iyo dowladdiisu waxay ka eegayaan waxba dalka masoo galiyo iyo wax xirfad ah ma leh.

                                      Masayr

Dadka sameeyo daraasaadkaan iyo kuwa qoro warbixinnada foosha xun ee Soomaalida ku saabsan maahan kuwo moog arrimaha aan sheegay. Waa ogyihiin inaysan caddaalad ahayn in la is garab dhigo dhaqtar Kiinya kasoo shaqo tagay iyo wiil soomaali oo tahriib kusoo galay oo naftiisa lasoo cararay. Laakiin sababta ugu badan ee loo bixiyo sawirka foosha xun waa hinaaso iyo xaasidnimo.

Soomaalidu waa dad firfircoon, dadaal badan haddana han sare leh. Dal walba oo ay tagaan waxay isku dayaan inay gaaraan meelaha ugu sarrayso halka soogalootiga kale ay isku dayeen inay is qariyaan oo ku koobnaadaan shaqooyinkooda. Tusaale, Carabta Maraykanka ah waxaa lagu qiyaasaa ilaa  saddex milyan iyo bar. 1880’aadki ayay billeebeen Carabtu inay Maraykan dagaan. Waxay qaadatay in badan 50 sano inay galaan siyaasadda dalkaas. 1960’aadki ayay billaabeen inay ku baraarugaan siyaasadda ilaa mantana qof kuma leh labada aqal ee dalkaas iyagoo wato dhaqankoodi.Dhaqankoodi waxaan kaga jeedaa inay jiraan Carab koox ah siyaasadda dalkaas meelo sare ka gaartay laakin dhammaantood waxay ka sinnaayeen inay Carabnimo iyo Islaamnimo midna wadan.

Dhinaca kale, Soomaalidu waxay joogtaa Ameerika wax ka yar 30 sano waxayna si dhaqso ah ooga soo muuqdeen siyaasadda dalkaas iyagoo hawaystay meelo ay soogalooti ka horeeyay hawaysan. Soomalidu waxay la dheeryihiin Carabta, Shiinayska, Hindida iyo Afrikaanka inaysan baddalin magacyadooda iyo dhaqankooda markay doonayaan mansab sare (waxaa jirto Ayaan Xirsi iyaduna waa kali oo maahan dhaqan nagu baahsan).

Dalalka Afrikaanka ama Aasiyaanka aan ee aan siyaasaddooda cid kale u ogalayn Soomaalidu waxay ku qabsataa ganacsi. Laga soo billaabo waddamada dariska ah ilaa koonfurta Afrika ilaa Shiine iyo Hindiya waxaa iksu xiran ganacsi Soomaaliyeed mana jiro meel ganacsi ka jiro oo aysan soomaali xafiis ku lahayn.

Dadnimada noocaan ah maahan mid loo ogolyahay dad madow oo laangaab ah haddana muslim ah una sii dheertahay dhibaatooyin badan oo ka jiro dalkooda. Taasi waxay keentay in lagu mashquulo ceeb u helidda horumarka soomalida. Aqoonyahaniinta iyo wargaysyadu waxay xoogga saareen inay cudurdaar foolxun u raadiyaan guulaha aan la qarin karin ee soomaalidu gaartay. Tusaale, Jakob Rasmussen waa borofeesar u dhashay Danmaak. Waa aqoonyahan daraasaad badan sameeyo macallinna ka ah jamacadda Roskilde oo kutaal Danmaak.

Jacb wuxuu waqti badan galiyay inuu fahmo nolosha Soomaalida. Wuxuu u socdaalay waddamada Galbeedka ee ay Soomaalidu dagantahay. Wuxuu sidoo kale aad u tagaa Kiinya oo uu warbixinno badan ka diyaariyay Soomaalida. Dhammaan daraasaadka uu sameeyay wuxuu helay in horumarka soomaalidu xawaare dheereeyo ku socdo. Wuxuu qiray guulaha la yaabka leh ee ay ka gaareen galidda siyaasadda waqooyiga Ameerika, ganacsiyada ay ku haystaan iyo sida caruurta Soomaaliyeed usoo gaarayaan dadyowga kale xagga waxbarashada. Sidoo kale wuxuu waxbadan ka qoray ganacsiga Soomaalida ku leedahay Afrika wuxuuna qiray haddii aysan Soomaali ahayn in isu socodka bariga Afrika uu cariiri noqon lahaa.

Hasa yeeshee dhamaan qorallada Jacob waxay xamaarsanyihiin sawir foolxun. Ammaan walba oo u helo wuxuu hoos ka raaciyaa in horumarkaas Soomaalidu ku gaartay khiyaano, tuugo, wax isdabamarin iyo kuwo la mid ah. Warbixinnada wax dhimaalka leh ee ugu danbeeyay ee uu qoray waxaa ka mid ahaa middi uu kaga hadlay sonkorta soomaalidu Kiinta keento.

Dacaayadaha ka abuurmay xasadka maahan kuwo Soomaalida ku gaar ah. Dhammaan qowmiyadaha isku dayo inay siyaasadaha galaan ayaa lagu qaadaa weerarrada caynkaan ah si looga reebo tartanka horumarka. Dalkaan Ingiriiska waxaa ku nool Aasiyaan malaayiin gaarayo. kuwa ugu badan waxay ka kala yimaadeen, Hindiya, Bangalasheesh iyo Bakistaan. Hindidu waxay xoogga saartay waxbarashada iyo tabac lacageed. Waxay sidoo kale u badan yihiin dad aan muslim ahayn una nugul raacidda sida laga rajaynayo soo galootiga. Taasi waxay keentay inay noqdaan dadka ugu aqoonta sarreeyo dalkaan, caruurtoodu ku jirto kaalimaha koowaad ee imtixaannada, ganacsiyada ugu waaweyn ee ajaanibtu leedahayna leh. Waxay mutaysteen ammaan aan dhammaan iyo in laga bixiyo sawir qurux badan.

Dhinaca kale waxaa taagan Bakistaanyiin soomalida la mid ah. Waa dad firfircoon oo aan la joojin karin. Waa muslim dhiig kulul oo aa aqbalin guumaysi. Waxaa ku weyn diinta iyo dhaqankooda. Waxayna leeyihiin sida Soomalida han ka sarreeyo lacag iyo xirfad. Sidaas darteed waxaa lagu qaaday dagaal qabow. Ilaa maalinti ay dalkaan billaabeen inay yimaadaan ilaa maantada qoyan wax xun ka sheekoodu idaacadda kama baxo. Waxaa lagu tilmaamaa inaysan shaqayn, cayr ku noolyihiin, caruurtoodu waxbarashda ka haraan danbiyo badanna galaan. Haddii hal wiil oo Bakistaani danbi galo asbuucyo ayaa lagu soo celcelin warka dagdagga ah.

Saas oo ay tahay waa la joojin waayay. Waxay baarlamaanka Ingiriiska ku leeyihiin 12 xildhibaan oo doorasho kusoo baxay, halka Hindida oo labo jeer ka badan ay heleen 10 xildhibaan kaliya. Meeyarki ugu horreyay ee aan caddayn ahayn oo London yeelato wuxuu noqday Saddiiq Khan oo Bakistaani ah. Waxay ahayd arrin aan waligeed la jarayn. London kaligeed ayaa dal ah, shacab ahaan iyo dhaqaale ahaanba dalku waa iyada iyo meel cidla ah sidaas darteed meeyarkeedu waa mid awood badan. Sidoo kale wasiirki ugu horeeyay ee qabto xilki ugu sarreeyay ee ay helaan dadka laga tiro badan tahay waxaa hayo nin Bakistaani ah oo ah wasiir arrimaga gudaha ee dalkaan. Xagga muhiimmadda waa qofka Afraad. (Raysulwasaaraha, wasiirka maaliyadda, midka arrimaha dibadda kan arriamha gudaha). Waris oo xildhibaanah ah ayaa noqotay ruuxii ugu horreyay ka yimaado dadka aan caddaanka ahayn ee xisbiga Consaarfatifka xog hayn u noqdo. Bakistaantu sidoo kale waa dadka kaliya ee u hadlo Islaamka iyo muslimiintu waxayna leeyihiin ururrada ugu xoogga badan ee u dooda danaha Muslimiinta.

Dadnimada ay ku gaareen xafiisyadi ugu sarreeyay dalka waxay ahayd mid mar hore kasoo muuqatay sidaas ayaa dagaal aan dhammaan bilowgiba loogu qaaday. Soomalidu waa sidaas oo kale. Waxaa muuqdo meelaha ay gaari doonaan 50 sano gudahood. Waxaa cad inay saamayn xooggan ku yeelan doonaan siyaasadda dalal badan oo Galbeedka ah. Haddii aysan diyaar u ahayn inay baddalaan diintooda iyo dhaqankooda, haddana rabaan inay qabtaan xilalka dalka ugu sarrayo, jidka kaliya ee furan waa in dacaayad iyo ceebayn lagu furo si ugu yaraan dadki u codayn lahaa ooga horyimaadaan.

Gabagabadi, waa jiraan dhibaatooyin badan oo dhinacyo badan leh kuwaasoo haysto Soomaalida. Dhibaatooyinkaan waa kuwo dabiici ah oo soo maro dad walba oo dago dal cusub. Waa kuwo u baahan waqti door ah si looga gudbo. Hasa yeeshee iyadoon la gaarin waqti la dhaliilo ayaa soomaalidi lagu billaabay weerar afka ah iyo suuro-xumayn. Weerarkaan waxaa xididkiisa waraabinayo xasad iyo hinaase laga qaaday dadnimada dabiiciga ah ee ku abuuran cunsurka soomaaliga iyo dadaalka ay ugu jiraan inay ka qayb ka noqdaan kuwa talinayo ee aysan ku ekaan kuwa loo talinayo.

Ibrahim Aden Shire.