SAWIRRO; Banaanbax Hadda Ka Socda Jig jiga & Meydad La garan Waayey oo la keenay magaalada.

Magaalada Jiga Jiga Ee Caasimada Dawlad Deegaanka Soomaalida ayaa wararka iminka laga helayo waxay sheegayaan in halkaasi uu ka socdo Dibad bax ballaaran.

Iskusoo baxani ayaa waxa uu ka dambeeyey markii dad Shicib la laayey Meydkooda lasoo bandhigay kuwaasi oo Oromada ay ku dileen Deegaanka Tuli Guuleed.

Waxa lasoo sheegayaa in Meydadka qaar oo la aqoonsan waayey ay iskugu jiraan haween,carruur iyo dad da’ ah oo la laayey.

Cusbitaalka weyn Ee Magaalada Jig jiga ayaana Boqolaal Qof ay Banaanbax ka dhigayaan Hortiisa kuwaasi oo laga cabsi qabo in ay weeraraan Shacabka Oromada ee magaalada kusugan Jig Jigga.

Meydadka dadkaas la laayey ayaa hadda waxa lagu hayaa Cusbitaalka Jig jiga,xilli Madaxweynaha Cusub Ee Dawlad Deegaanka Mustafa Cagjar uu magaaladaasi kusugan yahay.

Xaalka ayaa aad u cakiran iyadoo Ciidmada Federaalka Itoobiya Ee Magaalada kusugnaa ay xakameyn kari weysan yihiin Dibad baxayaasha oo qiiro laga dareemayo iyo inay ka xun yihiin Xasuuqa Oromada dadka Soomaaliyeed ugeysaneyso.

Dadka Qaar Ee Banaanbaxa ka dhigaya Jig jiga ayaa Weerar (maro cas)Guduudan kusoo xidhay Madaxa kaas oo astaan u ah inay Cambaareenayaan waxa dhacaya.

Maaha markii koobaad amma labaad ee Tuli Guuleed dad Soomaali ah loogu geysto gumaad inti Cabdi Iley xilka hayey ayaa waxaa dhacday dagaal lagu hoobtay kuwaas oo dadka uu dhuun daloola siyaasada Soomaali Itoobiya ku sheegaan dagaal u dhaxeeyaa dad wada Soomaali ah gaar beelaha Jaarso iyo Kari oo lagu eedeyn jirey in midna uu maamulkii Cabdi Iley daba ka riixaayey halka muumulka kililka Oromaduuna ay beesha jaarso ku gacan siinaysa dagaalka.