KACDOONKA BARBAARTA DHUUYAR (3) MIIDHADA KA JIRTA DHULKA XAQDARRADA LOOGU DARAY ODACALIGA (GARBA CIISE – CUNDHUFO – CADDAYTI )

 

 

Dalka Ethiopia gabi ahaantiiba waxaa ka jirtay caddaalad darro , Musuq , iyo Miidho aan la soo koobi karin meelaha ku sii talaxtagay arimahaas waxaa ugu horeeyay Dawlad degaanka Somalida uu taliskeedu gacansaar xoogan la lahaaa xisbigii TPLF ee talada hayay .

Gobolka tigeergu wuxuu xad la leeyahay gobolka Canfarta.
Tigreegu wuxuu ka boobay canfarta dhul beereed si uu uga hirgaliyo mashaariic arintaaa canfartu mudda badan bay ku dul ooyaysay tigreega si uu dhulkeega ugu soo celiyo , tigreega oo quwad ku muquuninayay qoomiyaadkoo dhan ayaa u soo bandhigay canfarta inuu siiyo qayb kamida Gobolka Sitti ahna dhulka ugu khayraadka badan dhul ugub ah oo aan wali khayraadkiisa la daahfurin oo horayba canfartu ay u ogayd qiimaha uu ku fadhiyo dhulkaasi .

Tigreegu wuxuu amar kusiiyay talisikii cabdi iley inuu dhulkaa canfarta u gooyo oo sexeex qalina loogu duugo .
Tigreee iyo ogaadeen baa dhulkaa bixiyay uun haday ahaan lahayd maanta ciil ma sheeganeen oo waxaan ahaan lahayn Dad la dhacay oo lo itaal sheegtay oo cid kali dhulkeega qaadataye waxaan la illoobi karin oo cid kastoo Beelwaynta Ciise ka soo jeedi maroora dillaac u dhimanayso ah markay ogaato inuu cabdi iley u xilsaaray arrintaa niman ka tirsan Beelwaynta Ciise uu ku yidhi idinku qalinka ku duuga oo bixiya warqadii dhulkaa lagu bixiyay wuxuu saxeexiisu ku yaal ninkii ugu sareeyay masuuliinta ciisaha ee ka tirsanaa dawlad degaanka Somalida oo ah ninka la yidhaa “ Cabdixakiin Cigaal “ waliba intaa kumuu joogine wuxuu ku indha adkaa inuu ku saxnaa sexeexaa sidaana wuxuu ka sheegay kulan uu la qaatay qurba joogta qaarkood video gaana wuxuu yaalaa Youtube ka cidii rabti way daawan kartaa .

Sexeexaa ayay ku war qaateen bulshawaynta dagan dhulkaa la bixiyay cidina kalama tashan masiirkooga muda yar ka bacdina waxay arkeen calamo canfareed oo la rabo in laga taaago sadexdaa magaalo way ka dhiidhiiyeen wayna gadoodeen waxayna sameeyeen bannaan baxyo xoogan waxayna si geesnimo ku jirto u dileen ninkii ugu dhibta badnaa oo ka tirsanaa Beelwaynta Ciise kaasoo la shaqaynayay Canfarta iyagana basaasayay .

Waxaa iga xasuusin ah ragga dagan aagaa waa raggii qarniyo badan odacaliga gacanta kulul ku hayay run ahaana waaa kaydkii quwada Ciisaha dhuuyar iyo dayn haddaad maqashaan waa dhulka ay daganyihiin quwada Military ee iskeed isku hubaysay ee markay maqlaan dhul ciisaa halis ku jira dirbadaaba gurmada sidii gurmadkii ballaadhnaa ee u soo gurmadeen Djibouti bilow gii 90 maadkii waa dhulkay ka yimaadeen raggii ciida Djibouti oo halis ku jirta oo canafartu ay gacan sarayso oy soo gaadhay duleedka magaalada Dikhil raggii gacanta kulul ku dhiftay ee soo xidhay xuduudaha qaranka Djibouti kana taagay calankii bayga lahaaa buraha dushooda .

Sidoo kale waa ragii xoreeyay Diridhaba iyo aageeda ee dharbaaxada kulul ku dhiftay tigreegii soo galaytiga ahaa iyo qotidii ku hamootay inay dhulka qaadato .

Haddaba Tolkayow raggaa maanta waxaa lagu miidhay qalin oo iyagii baa noo soo qayl dirtay oo na leh na rida dee miyayna mudan inaan u gurmano .

Xiligan oo nidaamkii siyaasadeed ee dalku uu gabi ahaanba is badalay oo loogu baaqay shacabka ethiopia inay rabitaankooga muujiyaan lagana kor qaado miidhooyinkii horaw u jiray , xorriyaadkana la fasaxo , waxaad moodaaa dhulkaa canfarta lagu daray inuu kuba oolin khariidada dalka Ethiopia .

Wali waxaa ka sii jira cabudhin xoogan , waxa ka sii jira caga juglayn , waxaa ka sii jira jeelashii waawaynaa ee kuwii lamidka ahaa Ethiopia oo dhan la wada xidhay jeelashaa oo ku yaala dhulka canfarta oy ku jiraan dad badan oo ka tirsan Beelwyanta Ciise , waxaa wali ka sii jira xurdo iyo ciijin iyo isku dul barraah .

Gunaanadkii :waxaan ugu baaqaynaa dhammaan dhalinyarada ka soo jeeda dhulkaa canafta lagu daray miyi iyo magaalaba inay bannaan baxyo xoogan sameeyaan miidhadana ka kacaan Siyaasiyiinta Gobolka Sitti iyo Barbaarta barakaysan ee gobolka u kacdayna waxaan ugu baaqayaa halgankii aad ku jirteen ma dhamaan dhulkaa laga dayrinayo idinkaa leh u guntada sidaad u soo celin lahaydeen kuna darsada ajandihiina.

Beelwaynta Ciise gabi ahaan Qaran iyo qurbaba waxaan ugu baaqayaa aar u gurmada walaalihiin u hiiliya la soo gaadha caawimaado kana shaqeeya sidaad uga saari lahaydeen dulmiga .
Dawlada ku meel gaadhka ah ee ka hana qaaday Somali State waxaan leehay dhulkaa aan kahadlayo waa dhul soomaali si xaqdarra ah baana loo wareejiyay dee hadday soomaalinimo jirto dhulkaa soo celiya kana daba taga qallinkii qaldanaa sidaad uga daba tagteen wax badan uu qalday nidaamkii hori .

W.Q : Zakaria Saad Ahmed.