Sawirro: Dowlada Soomaalia oo shaacisay 4-ta qodob ee heshiiska Asmara lagu gaadhay.

Dalalka  Ethiopia, Soomaalia iyo Eritrea oo la sheegayo inay wadaagaan darsinnimo, taariikh, dhaqan iyo diin ayaa waxyaabaha ay madaxdooda ku heshiiyeen waxaa ka mid ah: in la ixtiraamo madaxbannaanida, qarannimada iyo bad-qabka dhuleed ee dal weliba leeyahay.

Si, haddaba xidhiidhka taariikhiga ah loo xoojiyo, dalalkaasi waxaa ay ku heshiiyeen inay ujeedooyinka 4ta ah ee soo socda, sidda lagu sheegay qoraal kasoo baxay Villa Soomaalia.

1. Saddexda waddan waxay yagleelayaan iskaashi sare oo fududeenaya gaadhista yoolka shucuubtooda.

2. Saddexda waddan waxay abuurayaan xidhiidh dhaw oo ku aaddan dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha, bulshada, dhaqanka iyo amniga.

3. Saddexda waddan waxay si wadajir ah uga hawlgelayaan sare u qaadidda ammaanka iyo nabadgelyada gobolka.

4. Saddexda dowladood iyagoo ka duulaya heshiiskan waxay dhisayaan Guddi Sare oo isku dhaf ah, oo u xilsaaran fulinta qodobbada baaqan.