Ethiopia Oo Ku Cadaadineysa Soomaaliya inay La Heshiiso UAE+Sirta Ku jirta

Dawlada Imaaraat-ka Carabta ayaa mar kale Saameynteedii Soomaaliya soo ceshan doonta hadii Is fahamka bilowga ah uu sii socdo.

Imaaraat-ka ayaa waxay khilaaf soo kala dhex galay iyaga iyo Dawlada Soomaaliya ay keentay luminta boos muhiim ah oo ay Kaga qabsadeen Muqdisho dhinaca Saameynta Siyaasadeed.

Askar badan ayey UAE ku Tababartay Xamar oo Dawlada Soomaaliya laheyd balse Shaki yimid Ciidankaasi lagu wareejiyey Dawlada.

Safiirka Imaaraat-ka ujooga Muqdisho waxa uu ididiilo fiican ka qabaa in mar kale Cilaaqaat-kii Diblomaasi soo noqdo mad madoowgii jirayna laga dhex saaro.

R/wasaaraha Itoobiya Dr Abiy Ahmed oo ay fiilada ugu xidhan tahay Imaaraat-ka ayaa Farmaajo ka codsaday in la dhameeyo Xurgufta iyaga iyo UAE.

Madaxweyne Farmaajo ayaa waxa laga yaabaa inuu dhawaan Aado Dubai si wada hadalka loo sii xoojiyo islamarkaana Imaaraat-ku ay galaan galkooda Siyaasadeed Ee Geeska sii laba jibaaraan.

Marka la eego Saldhiga Imaaraat-ka ku leeyahay Afgooye,Kii Xamar iyo Dekadaha uu maamulayo sida Ber bera iyo Boosaaso waa mid ka mid ah Cudud inuu iska dhiibo uusan Rabin.

Ilo lagu kalsoon yahay ayaa Warqaad usheegay in Itoobiya ay dooneyso sidii Dalalka Khaliijka ay kaga faa’iideysan lahaayeen Waddamada Gobolka ku yaalla Ganacsigooda uu uhelo Suuq sidaa ay tahayna lasoo dhaweysto dalalkaasi.

Hadii sida ay wax usocdaan hagaag noqoto waxay Dawlada Lumin kartaa isha Qatar oo ah mid soo butaaceysa Mashaariic lagu ballamay inay fulisana waa la weyn doonaa.

Madaxweyne Farmaajo iyo R/wasaare Kheyre ayaa hadda dhex dabaalanaya Mowjad Siyaasadeed oo Gudaha kaga furan Dawlada ay Hogaamiyaan waana mida Maamul Gobolleedyada Abaabuleen.