Q/Midoobeey Oo Shaacisey Dalka Ka Dambeeyey Dhex dhexaadinta Jabuuti & Ereteria.

Jamciyada Qurumaha Ka Dhaxeysa ayaa ka hadashay Dedaalada Nabadeed ee laga dhex wado Waddamada Jabuuti iyo Ereteria.

Qaramada Midoobeey waxay soo dhaweeneysaa baa lagu yidhi Qoraal kasoo baxay Shirkii Ka dhacay Jabuuti 6-dii Bishaan oo Khamiistii Todobaadkii hore ku asteysan,islamarkaana ka dhashay Heshiiskii Ereteria,Itoobiya iyo Soomaaliya ku gaadheen Asmara.

Xoghayaha Guud Ee Q/M António Guterres ayaa kaga mahad celiyey Dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya Doorka ay ku leeyihiin Heshiisiinta Jabuuti iyo Ereteria oo Soohdinta isku haya iyo dhulal la kala heysto.

Waxay Qaramada Midoobeey warka ay soo saartay ku cadeysay inay ku baaqeyso Dalalka Gobolka Geeska Africa ay kuwada noolaadaan Nabad, Xasilooni iyo horumar laga wada faaidaysto.

Afarta Wasiir ee Arimaha Dibadeed Ee Kala Ah Midka Soomaaliya,Kan Erteria,Kan Itoobiya iyo Midka Jabuuti Ee Martida Loo Ahaa inay wada kulmaan oo Xasiloonida Gobolka gogol Xaadh u noqdaan ayey Soo dhaweysay Jamciyada Qurumaha ka dhaxeysa Dedaalkaasi Nabad Raadinta ah.

Wasiirka Arimaha Dibada Ereteria Osman Saleh ayaa Hor fadhiistay dhigiisa Dalka Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf ka hor inta uusan markii dambe la kulmin Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.

Waxaa la filayaa in Madaxweynaha Ereteria Issias Afewerki uu tego Caasimada Jabuuti dhawaan si loo kala saxiixdo soo af jarida Colaadii ka dhex jirtay Labada Waddan.