Gacan ku dhiigle Cabdi Iley oo maanta maxkamad lasoo Taagayo.

Wararka aan heleyno dalka Itoobiya ayaa waxa ay sheegayaan in maanta maxkamad la soo taagayo kaligii talihiyi hore ee dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar.

Xeer ilaalinta qaranka dalka Itoobiya ayaa Cabdi Maxamuud waxa ay ku soo oogayaan kiis dacwadeedka ka yaalla maxkamadda oo ay ka mid yihiin gabood fal iyo arrimo kale oo la xidhiidha barakicinta dad shacab ah.

Gacan ku dhiigle Cabdi Maxamuud Cumar ayaa qareenada difaacaya waxaa ay sheegayaan inay diyaar u yihiin in kiiska xeer ilaalinta ay ku soo oogeyso ay ka difaacaan.

Ehelada Cabdi Maxamuud ayaa waxa ay sheegeen inay wax wanaagsan ka rajeynayaan maxkamadynta maanta la filayo inay ku dhacdo wiilkooda iyo xubno kale oo ka tirsanaa maamulkiisa.

Kiiska maanta lagu furay Cabdi Iley waa kiiski ugu horeeyey ee ku saabsana baracin dad shacab ah taas oo looga jeedo dad oroma ahaa laakiin wali lama soo hadal qaadin gabood falkii 8 sanno jirsaday ee uu Cabdi Iley ku hayey shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan dhacdooyinkii jeel Ogaadeen iyo wixii la mid ah.