Isayas Afwerki iyo Abiy Ahmed oo Casuumad rasmiya ka helay Boqor Salmaan Bin C/casiis Sacuudiga.

 

Boqorka Sucuudiga Carabiy,  Boqor  Salmaan Bin C/casiis ayaa martiqaad gaar ah u diray Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed iyo Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki oo maalinta Axada si wadajir u tagi doona magaalada Jeddah.

Ilo diblomaasiyadeed  ku sugan Caasimada Riyadh ee Sucuudi Carabiya ayaa waxay xaqiijinayaan in Magaalada Jeddah ee ku taalla xeebta Badda Cas uu ka dhici doono shir madaxeed seddex geesood ah oo dhex mari doona Sucuudiga, Itoobiya iyo Ereteriya.

Inta shir madaxeedku socdo labada dhinac ee Itoobiya iyo Eritrea ayaa kala saxiixan doonaan heshiis nabadeed, iyadoo kulanka ay goobjoog ka ahaan doonaan Boqorka Sucuudiga Salmaan bin Cabdulcasiis iyo Dhaxalsugihiisa Amiir Maxamed bin Salmaan.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Sacuudiga ayaa bishii hore socdaal ku tagay dalalka Itoobiya iyo Eritrea, waxaana socdaalkiisa la xidhiidhay arrimaha heshiiska nabadda ee labada dal iyo iskaashiga ka wada dhaxeeya.

Doorka Sucuudi Carabiya ku lahaa is bedelada ka socda Gobolka Geeska Afrika ayaa muddooyinkii u dambeeyay soo xoogeysanayay, waxaana la sheegaa in Sucuudiga ahaa maskaxdii ka dambeysay ee heshiiska Eritrea iyo Itoobiya.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuuti ayaa markii u horeysay maalmo ka hor sheegay in Sucuudiga uu kaalin ku leeyahay dib u heshiisiinta dalalka Eritrea iyo Jabuuti oo u dhaxeysay colaad muddo toban sanno soo socotay oo ka dhalatay muran dhuleed xuduudka labada dal ay wadaagaan.

Bishii July ee la soo dhaafay ayay aheyd markii sidan oo kale magaalada Abu Dhabi uu ka dhacay shir madaxeed seddex geesood ah oo u dhaxeeyay Itoobiya, Eritrea iyo Imaaraadka Carabta.

L’image contient peut-être : une personne ou plus, personnes debout, personnes assises et costume

Kulankii Addi ababa ee urur goboleedka Igad oo la filaayey in madaxwaynaha jabuuti iyo kann Eritrea isku arki doonaan ayaa si lama filaan ah u baaqaday ka dib markii ay soo baxday in madaxwaynaha Eritrea ka caga jiiday la kulanka Geelaha Jabuuti arrintaas oo lagu macneeyey in ay dubay ka dambaysay sababto ah waxaa isku soo beegmay go,aankii ay dawlada jabuuti kula wareegtay dhamaan maamulka dekada Dooraale oo shirkada DPW ay Horay u maamuli jirtay.