Gool Fakad Ah Oo Dad Ku Laysay Dagmada Duuda Ee Dalka Jabuuti

L’image contient peut-être : 1 personne, debout et plein air

L’image contient peut-être : une personne ou plus

Degmada Duuda oo labaatan kilomitar u jirta caasimadda Jabuuti waxaa ka fakatay libaax dhedig ah ama gool taas oo dhaawacday saddex qof oo kamid ah dadka deegaanka.

Labo cisho ka hor ayay gooshan ka baxsatay goob lagu xannaaneeyo duur joogta oo ku taalla dalka Jabuuti.

Madaxa caafimaadka degmada Duuda ayaa sheegay in libaaxa uu dhaawaca u gaystay saddex qof isla markaasna xaaladdooda caafimaad ay wanaagsantahay.

Xildhibaan kasoo jeeda deegaanka ayaa sheegay inay gurmad u fidiyeen shacabka uu weeraray Libaaxa ayna ciidamada Gendameriega loo yaqaan dileen goosha.

Dadka deegaanka ayaa cabasho ka muujiyay dhibaatada ay gaystaaan xayaawannada duur joogta ee ka baxsado seerayaasha dalkaasi.

Saraakiisha duur joogta ayaa amar ku bixiyay in la dilo goosha.

Waxaana socda baadhitannada ku aadan goosha sida ay ugu suuro gashay inay baxsato iyo waxyaabaha sababay dhibtaada intaasi le’eg ay gaadhsiiso bulshada ku dhaqan degmadaasi.

Ma ahan markii ugu horreysay uu Libaax dhibaato u gaysto dad shacab ah dalka Jabuuti waxaa jirtay in 2 sanno ka hor isla goobta ay ka dhacday arrin murugo iyo naxdin ku beertay shacabka reer jabuuti  ka dib markii arday loo dalxiis geeyey duur-joogta magaalada Duuda uu liibax ka soo baxsaday ku laayey qaar ka mid ah ardaydi qaarna soo gaadhisiiye dhaawacyo halis dadka goobta libaaxo ku cunay waxaa ka mid ahaa gabadhi macalimadda u ahayd arday libaaxo cunay oo isla goobta libaaxo ku cunay.

Libaaxan dad cunka noqday waxaa madaxwaynaha Jabuuti mudane Geela hadyad ugu keenay wasiirkii hora ee maamulka Soomaaliland oo la odhan jiray wasiir waran cade.