Madaxweyne Mustafe Cumar Cagjar oo Maanta soo Booqday Magaalada Diri-dhab(Sawirro)

 

 

L’image contient peut-être : une personne ou plus et personnes debout

L’image contient peut-être : une personne ou plus et foule

L’image contient peut-être : 4 personnes, personnes debout

L’image contient peut-être : 9 personnes, personnes souriantes, personnes debout

L’image contient peut-être : 2 personnes, personnes assises

L’image contient peut-être : 6 personnes, personnes debout

Booqashaddan oo ah tii ugu horeysay ee madaxwayne Mustafe ugu baxo meelo ka baxsan magaalada Jigjgga ayaa lagu sheegey in ay tahay booqasho is barasho iyo kala war qaadasho u badnaan doonta.
Mustafe wuxuu isla markiiba la kulmay oo soo dhawayn heer saro ah oo ay usii diyaarshay dadwaynaha reer Diridhaba gaar ahaan Soomaalida oo uu horseed u yahay Ugaaska beesha ciise ugaas Mustafe Mohamed Ibrahim iyo duqayda gandaha ee dhaqanka.
is maamulka magaalada Diridhaba waa goobti iyo xarunti laga soo abaabulay kacdoonkoo lagu riday gacan ku dhiiglihii Cabdi Iley waxay rug iyo saldhig u hayd kacdoonkii nabadaysna ee dhalinta barbaarta gobolka Sitti talada Somali State kaga tuureen xukunka Cabdi Iley .
Qorsha horyaal Mustafe cumar waxaa ugu muhiim siduu il gaar ugu eegi lahaa gobolka Sitti oo ay ka jiraan haliso  wajiyo fara badan leh gobolka oo soo maray iyo kuwa soo fool leh iyo dhaawacyo iyo cadaalad daro uu gobolku kala soo kulmay xukunkii Cabdi Iley.
Sitti waxaay ku taal goob xasaasi ah waxayna u baahan tahay talo xasaasi ah gaar ahaan siddi sharciga loogu soo celin lahaa degmooyinkii canfarta lagu daray oo dhib iyo gabood falo aad u xun laga soo sheegi.