Faahfaahino ka soo baxaysa qaraxyo goor dhow ka dhacay Magaalada Muqdisho (Sawirro)

Waxaa soo baxaysa Fahafaahin ku saabsan Labo qarax oo galabta casar gaabkii ka dhacay magaalada Muqdisho gaar ahaan isgoyska dabka ee wadada Maka Al Mukarama.

Qaraxyadan ayaa yimid ka dib markii Labo gaadhi oo la sheegay in qaraxyo lagu soo xidhay ay ku qarxeen meelo isku dhow sidda dad goob joogayaal ay ay sheegayaan.

Gaadhiga koowaad ayaa ku qarxay isgoyska dabka halka kan labaadna daqiiqado yar ka dib qaraxiisa laga maqlay agagaarka xaruntii hore ee boostada oo ku taalla wadada ka leexata dabka ee u baxda isgoyska Bakaaraha.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya mid ka mid ah gaadiidka qarxay uu ku dhintay Cumar Shiikh Caamir oo ah Prof. Yaxye Shiikh Caamir walaalkiis.

Prof. Yaxye Shiikh Caamir oo ah aqoonyahan wax ka dhiga Jaamacada Soomaalia ayaa la sheegay inuu la socday gaadhiga qarxay ee uu ku dhintay walaalkiis balse uu ka badbaaday.

Gaadhiga labaad ee qarxay ayaan la ogeyn illaa hadda cida la socotay iyo khasaaraha ka dhashay, waxaana socda baadhitaano ay wadaan ciidamada amaanka oo goobta xidhay.